Saturday 14 January 2012

Faahfaahin ku Saabsan Maamul looga Dhawaaqay Gaalkacyo (Sawirro)

Share
Warsaxaafadeed
Maamulka Galbeedka Puntland
Golaha Warfaafinta ee Maamulka WPS
westpuntland@gmail.com
Calanka Galbeedka Puntland
Waxaa Markii ay taariikhdu aheyd 13-Jan-2011 looga dhawaaqay Galbeedka Puntland maamul cusub oo magaciisu yahay Dowlad Goboleedka Galbeedka Puntland “West Puntland State (WPS)”, xarunta maamulka ayaa noqoneysa Magaalada Galkacyo, wuxuuna ka arimin doonaa dhamaan Galbeedka Puntland.   Xaflada looga dhawaaqay Maamulka WPS oo ka dhacday Caasumada Maamulka ee Galkacyo ayaa waxaa kasoo qayb galay dadwayne farabadan oo iskugu jira Isimo, Siyaasiyiin, Aqoonyahano iyo Marti sharaf badan oo kakala yimid dhamaan maamulada dariska ah sida Puntland iyo Galmudug.

Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Galbeedka Puntlald Yuusuf Maxamed Warsame Sarcad " Yuusuf Gaalkacyo"
Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Galbeedka Puntlanld Yuusuf Maxamed Warsame Sarcad " Yuusuf Gaalkacyo"

Xafladaas oo lagu qabtay Qasriga madaxtooyada ee ku yaala Bartamaha Galkacyo ayaa waxaa aad loo adkeeyey nabadgalayada, Ciidanka Maamulka Galbeedka Puntland ayaa aad u sugay Amaanka.   Suldaan Jaamac Shire Geesood oo ku hadlayey Magaca Isimada Galbeedka Puntland ayaa sheegay in uu aad usoo dhaweeenayo Isimada kale oo kasocsatay Galmudug, asagoo shegay in Maamula galbeedka Puntland uu yahay maamul ay dhistayn dadka daga deegaanka galbeedka puntland asagoo sheegay in MD Yuusuf Maxamed Warsame Sarcad uu yahay madaxwaynaha Maamulka galbeedka Puntland.

Ugaas Xassan Sh Axmed oo asaguna ku hadlay Magaca Isimada Galmudug ayaa aad usoo dhaweeyey Maamulka cusub ee looga dhawaaqay Galkacyo, Asagoo sheegay in dhamaan Isimada iyo Madaxda Galmudug ay garab istaagayaan Maamulka Cusub, asagoo sheegay in khibrada ay uga horeeyeen maamul ahaan ay ku biirin doonaan, Ugaaska ayaa sheegay in nabad iyo daris wanaag ay ku noolaadaan maamulada hadda ka jira Galkacyo.

Taliyaha Guud ee Ciidamada Maamulka Galbeedka Puntland Gen. Warsame Jaamac (Warsame Cade) ayaa aad ugu dheeraaday ujeedka maamulka cudub iyo sababaha keenay in maanta maamul lagu dhawaaqo, Taliyaha ayaa sheegay in 13-sano kabacdi ay Maamulkii Puntland uu u kala jabay sadex-dii qaybood ee uu u dhisnaa tan iyo 1998 markii shirwayne iskugu yimaadaan sadex-dii urur ee wada dhistay Puntland. wuxuu sheegay in maanra urur kasta uu gaarnoqday.

Md Cabdi casayr oo ka mid ah Madaxda maamulka ayaa aad usoo dhaweeyey shirka ka socda Taleex iyo maamulka halkas looga dhawaaqay, wuxuuna sheegay in Maamulka WPS uu hormar iyo barwaaqo u
Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...