Sunday 15 January 2012

DEG DEG: Dagaal Culus oo ka Qarxay Magaalada Buuhoodle

Share
Hargeysa (RBC) Wararka naga soo gaaraya magaalada Buuhoodle ayaa sheegaya in dagaal culus uu goordhow ka qarxay magaaladaasi kaasoo u dhexeeya ciidamada maamulka Somaliland oo magaalada soo weeraray iyo ciidamo deegaanka ah.
Dagaalka oo aad u culus ayaa la isu adeegsanayaa hubka waaweyn ee madaaficda iyadoo xaafadaha magaaladana ay ku dhacayso madaafiicda.
Wariye ku sugan Buuhoodle oo ka gaabsaday in magaciisa la sheego ayaa u xaqiijiyey Raxanreeb in dagaalka uu ka qarxay duleedka magaalada hase yeeshee rasaasta hadda ay ku sii socoto magaalada bartankeeda iyadoo ciidamada Somaliland la sheegayo inay wataan hub iyo ciidan fara badan.
Illaa hadda ma cada khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee dagaalkan uu geysanayo, hase yeeshee waxaa jirta dhaawacyo dad rayid ah oo isbitaalka la dhigay.
Dagaalkan saaka ka socda Buuhoodle ayaa bilawday 24 saac ka dib markii uu madaxweynaha Somaliland oo shalay khudbad ka jeediyey golaha guurtida iyo wakiilada Somaliland uu sheegay inuu ka hortagayo dadka qabanqaabiyey shirka ka socda magaalada Taleex kaasoo toddobaadkii hore looga dhawaaqay maamul goboleed u gaar ah dadka deegaanada Sool, Sanaag iyo Ceyn ku nool.

FAAHFAAHIN BUUXDA IYO HADBA MEESHA AY WAX MARAYAAN LA SOCO RAXANREEB.COM

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...