Sunday 15 January 2012

Kooxo Hubeesan Oo Rasaas Khasaare Geesatay Ku Furay Gaari Ku Soo Jeeday Muqdisho

Share



Kooxo Hubeesan Oo Rasaas Qasaare Geesatay Ku Furay Gaari Ku Soo Jeeday Muqdisho
Kooxo Hubeesan Oo Rasaas Qasaare Geesatay Ku Furay Gaari Ku Soo Jeeday Muqdisho


Dhuusomarreeb (RBC) Wararka ka immanaya magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobalka Galgaduud ayaa sheegaya, kooxo hubeesan in saaka ay rasaas ku fureen gaari safar oo ku soo jeeday caasimada Soomaaliya, ee Muqdisho.
Inta la ogyahay sagaal qof oo ka mid ah rakaabkii saarnaa gaariga ayaa ku dhawaacmay rasaasta ay fureen kooxaha dableeyda.dadka dhaawacmay waxa ku jirra seddax haween ah iyo labo caruur kuwaas oo qaar kood dhaawac halis ah uu soo gaaray,
Dhaawaca ayaa la dhigay isbitaalka Dhuusomarreeb halkaas oo hadda lagu daweynaayo, gaariga la rasaaseeyay ayaa ka yimid magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.
Dableeyda rasaaseeyay gaariga ay la socdeen dadka rakaabka ayaa la sheegay in uu damacooda ahaa in ay dhacaan gaariga iyo rakaabka saarnaa, laakin darawalka ayaa isku dayay in ka baxsado kooxda shuftada.
Ma ahan wax ku cusub in kooxo dableey ah ay rasaas ku furaan gaari rakaab ah oo ka yimid magaalada Gaalkacyo, waxa gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya ka jirra kooxo burcadka jidka gala kuwaas oo aysan jirin wax maamul ah oo ay ka amarqaataan.
Burcadan waxa u geestay dadka rakaabka ee wadadaas isticmaala dil, dhac iyo dhibaateen joogta kuwaas oo ay ku hayaan dadka  ku safra gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya.
Dhawaan ayaa halkaas waxa lagu dilay shaqaale hey’adda WFP kuwaas oo la toogtay iyagoo howlo sahmin ah kawaday meelaha sida ba’an ay u wax yeeleesay abaarta ka jirta gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya, waxa kaloo jirin maamulo isku xilqaamay in ay halkaas ka siifeeyaan burcada jidka gala.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...