Monday 9 January 2012

Hadalheynta Qaranka: Raysul Wasaare Gaas oo Sheegay in Roadmap-ka Caqabado Badan Hortaagan Yihiin oo uu Ka Dhaqangeli Karin


Share
Muqdisho (RBC) Raysul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa shaaca ka qaaday in qorshihii “Tubta Qariirada” ee loo bixiyey “roadmap” ee ay soo diyaarisay Qaramada Midoobay uusan meelmar noqon karin ka dib markii caqabado waaweyn ay isku hor gudbeen.
Raysul wasaare Gaas oo xalay la hadlay idaacadda afka DKMG ku hadasha ayaa sheegay in dhaqaale la’aan baahsan oo jirta iyo dadka Soomaalida oo badankood aan rabin roadmap-kadarteed aysan waxba u socon karin.
Raysul wasaaraha ayaa maanta oo Isniin ah magaalada Jabuuti kaga qeybgalaya kulan wadatashi oo ah oo uu soo qabanqaabiyey wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Augustine Mahiga kaasoo looga hadlayo waxyaabaha ka hirgalay roadmap-ka.
“Anagu waxaan cadeyneynaa in roadmap-kii uu socon waayey waayo caqabado badan baa hortaagan oo ay ugu horeyso dhaqaale la’aan” ayuu yiri raysul wasare Gaas oo intaa ku daray in Soomaalida laga dhaadhicin waayey roadmap-ka.
Wuxuu sheegay in shirka maanta [Isniinta] ka furmaya Jabuuti uu arinkaasi ka sheegi doono uuna rajeynayo in caqabadahaasi la tixgelin doono.
Shirkan maanta ka furmaya Jabuuti ayaa lagu wadaa inuu socdo afar maalmood waxaanalaga hadli doonaa illaa hadda waxyaabaha ka hirgalay roadmap-ka iyo waxyaabaha dhiman.
“Anaga ka xukuumad ahaan dhankeena wixii nooga aadanaa roadmap-ka waan fulinay” ayuu hadalkiisa ku sii daray raysul wasare C/weli Gaas.
Warar ku dhow xafiiska ergeyga Qaramada Midoobay Mahiga ayaa sheegaya in ergeygu uu maalmahan waday qiimeyn la xiriirta roadmap-ka oo hadda u muuqda inuu socon waayey maadaama ay ahayd in bilo gudahood lagu dhameystiro qodobadii ku qornaa oo ka koobnaa afar qodob oo waaweyn.
Waxyaabaha ka socon waayey roadmap-ka
Qorshaha roadmap-ka ayaa ka soo baxay shirkii wadatashiga ahaa ee ay Qaramada Midoobay martigelisay kaasoo bishii Sebtember ka dhacay magaalada Muqdisho. Waxaana uu qorshahan ka hadlayey afar qodob oo waaweyn; sida dib u habeynta baarlamaanka, dhaqangelinta dastuurka UNDP ay qortay, iyo dawlad wanaaga.
Hase yeeshee waxay u muuqataa in waxyaabo badan oo ku jiray qoraalkii roadmap-ka ay abureen xasaasiyad weyn. Waxaana ka mid ahaa;
1- Dadka ay taladu ka go’do oo roadmap-ka ku tilmaamay shan qeybood oo kaliya (Labada Shariif, Puntland, Galmudug, Ahlusuna).
2- Heshiisyadii iibinta badda oo roadmap-ka u ololeynayey in sidooda loo socodsiiyo (gaar ahaan heshiiskii badda looga iibiyey Kenya kaasoo ay ahayd in xukuumadda C/weli Gaas ay saxiixdo ugu dambeyn 19-kii Disembar oo la soo dhaafay).
3- Yareynta baarlamaanka oo roadmap-ka u daayey in ay masuul ka noqdaan shanta qeybood ee loo bixiyey stake holders [dadka taladu ka go'do].
4- Dastuurka cusub oo roadmap-ka si weyn ugu taliyey in si duuduub ah loo ansixiyo iyadoon la marin afti dadweyne.
5- Hirgalinta Dhamaan shuruucda iyo dastuurka cusub oo la sheegay inay yeelan doonaan ergo loogu magacdaray “GOLAHA DASTUURIGA” oo gaaraya 1,000 ruux oo ay soo xusheen shanta qeybood ee loo yaqaano “stake holders”.
Hirgelinta roadmap-ka ayaa lagu waday, sida qorsuhu ahaa in ugu dambeyn bisha May 2012 la dhameystiro waxyaabaha ku xusnaa markaasina loo gudbo magacaabista golaha dastuuriga, waxaana waqtigaasi hadda ka harsan afar bilood.
Haddaba waxaa la dhowrayaa waxa ka soo baxa kulanka afarta maalin qaadan doona ee uu Mahiga isugu yeeray madaxda qeybaha Soomaalida ee ka dhacaya Jabuuti.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...