Monday 9 January 2012

Madaxweyne Faroole oo Ka Hadlay Waxqabadkii Maamulkiisa Saddexdii Sano ee La Soo Dhaafay (Dhageyso)


Share
Boosaaso (RBC) Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole oo xalay khudbad dheer ka jeediyey xarunta madaxtooyada magaalada Boosaaso ayaa ka hadlay waxqabadka maamulkiisa mudadii saddexda sano ahayd ee uu jiray maamulkiisa.
Xaflad ballaaran oo ka dhacday xarunta madaxtooyada Boosaaso ayna ka soo qeybgaleen wasiirada sida aadka ah ugu dhow madaxweyne Faroole ayaa waxaa uu ku soo hadal qaaday arimo fara badan.
Wax ka qabashada amaanka gudaha iyo dhaqaalaha
Faroole ayaa sheegay in mudadii uu jiray maamulkiisa uu xooga saaray amaanka gaar ahaan wax ka qabashada Al-Shabaab iyo kooxaha burcad badeeda oo iyaguna uu sheegay inay dhibaato badan ku hayaan maamulkiisa.
Faroole wuxuu soo qaatay dagaalkii Galgala ee bishii July illaa Oktoobar 2010 ciidamada Puntland la galeen ciidamadii Sheekh Maxamed Siciid Atam oo uu sheegay in “jab iyo fool xumo” ay ugu geysteen kooxo argagixiso ah oo Puntland ku soo duulay.
“Waxaan idiin sheegayaa dadka reer Puntland-now saddexdii sano ee halkan joognay wax badan ayaan qabanay ILLAAH haddii laga baqo. Way jiraan in wax badan dhiman yihiin caqabadana waa jiraan naga hor yimid” ayuu yiri madaxweynaha.
Mr. Faroole ayaa sheegay in burcad badeeda ay ‘dhigaan miinooyin kale’ oo ay ku dhibaateeyaan dadka ayna ku qalqal geliyaan amaanka.  Wuxuuna gabdhaha ku nool Puntland ugu baaqay inaysan “guursanin” ragga burcad badeeda.
Madaxweynaha Puntland wuxuu tilmaamay in wax badan uu ka qabtay dhaqaalaha, balse wuxuu sheegay in dadka oo dhami aysan wada garaneyn dhaqaale wuxuu yahay.
“Waxaan ogolaanay shirkadaha xorta ah.” ayuu yiri isagoo qiray in maamulkiisu uusan weli waxba u qaban dadkii ku ceyrtoobay dabkii Suuqa Boosaaso qabsaday bishii Nofembar kuwaasoo maamulka uu ka qaadan jiray canshuurta.
Tabashada dadka
Madaxweynaha Puntland wuxuu si aan ka leexad lahayn u qiray in dhaliilo badan loo soo jeediyey maamulkiisa gaar ahaan waxqabadka gudaha.  “Inkastoo ay jiraan dhaliilo fara badan haddana dadka reer Puntland-now waxaan idiin sheegayaa inaan dadaalnay oo aan qabanay intii karaankeena” ayuu yiri Faroole.
Wuxuu sheegay in cqabado badan ay hortaagan yihiin maamulka, hase yeeshee aysan ahayn in maamulka oo kaliya lagu haleeyo inuu wax walba qabto.
“Qolooyinka reer Baargaal oo intaa ku haya waxba nalooma qaban waxaan u sheegayaa mashaariic fara badan baa idiin soo socota” ayuu yiri isagoo ku xiray shuruud ah in dadka ka soo cararay Al-Shabaab ay soo qabtaan haddii kale in lagala laaban doono mashaariicda loo soo wado.
Dhaliisha reer Bari
Madaxweyne Faroole wuxuu ku dhaliilay dadka ku nool gobolka Bari gaar ahaan “reer Boosaaso” inaysan ku buraarugsaneyn waxqabadka maamulkiisa isagoo ugu baaqay inay iska daayaan hadalada meelaha lagu wadwado ee ay maamulkiisa taageeraan.
“Way jiraan dhaliilo, gaar ahaan sidii halkan laga sheegay in dadka reer Bari gaar ahaan magaaladan Boosaaso inaysan ku buraarugsaneyn wax ka qabashada amaanka oo ayan ku qanacsaneyn” ayuu yiri madaxweyne Faroole.

Hogaanka Al-Shabaab
“Waxaan u mahadcelinayaa culimada iyo waxgaradka nagala soo qeybgalay xaflada lagula dagaalamayo fidno wadayaasha AHLU NAARKA ah. Meel daran Allah haka tuuree!” ayuu yiri madaxweynuhu mar uu soo hadal qaaday dadaalada wacyigelinta ee looga horjeedo Al-Shabaab ee ka socda Puntland.

Wuxuu sheegay in amni dariida Soomaaliya ay qeyb ka yihiin dad uu ku sifeeyey in “remote control” lagu hago qaarkoodna ajaaniib yihiin.
“… oo uu ugu horeeyo ninka la yiraahdo Axmed Cabdi Godane oo raba dadka Soomaaliyeed markuu dhameeyo inuu xukun ku gaaro” ayuu sii raaciyey hadalkiisa madaxweynaha Puntland oo sheegay in Al-Shabaab ay ka dambeeyeen dilkii Sheekh Axmed Xaaji C/raxmaan.
Wuxuu ka digay in qaar badan oo ka mid ah hogaamiyaasha Al-Shabaab ay hadda bilaabeen inay u soo cararaan Puntland ka dib markii dagaalo saf ballaaran ah looga soo qaaday dhowr jiho.
“Habeen saddexaad waxaa la qabtay labo wiil oo Axmed Cabdi Godane adeer u yahay in la qabtay iyagoo miino dhigayey haddii la moodayo in dadka miinooyinka dhiga ay yihiin reer Puntland kuwo kalana waa ku jiraan” ayuu sheegay madaxweynaha Puntland.
Hawshii shirkadda Saracen oo joogsatay
Faroole wuxuu sheegay in shirkada Saracen International oo Puntland kula heshiisay dhanka amniga iyo tababarka ciidamada badda la xayiray ka dib marjkii dibadda looga furay dacwado, wuxuuna sheegay inuu dhowaan safar u tagi doono Dubai si uu arintaasi u soo furdaamiyo.
Wuxuu soo hadal qaaday in dhowaan la bilaabi doono barista shidaalka Puntland isagoo sheegay in shirkado ajnabi ah ay naftooda u soo biimeeyeen.
DFKMG iyo khilaafka baarlamaanka
Faroole ayaa  ku tilmaamay xildhibaanada baarlamaanka ee 13-ki Disembar xilka ka qaaday Shariif Xasan “tuugo baarlamaanka jabsatay”.
Wuxuu sidoo kale dib u xusay in Puntland weyb weyn ku lahayd shaqo ka tegistii Raysul wasaarihii hore ee DKMG Maxamed C/laahi Farmaajo iyo xukuumadiisii oo uu ku eedeeyey inay “Puntland isku taagtay”.
“Illaa golaha amaanka QM ayaan isla tagnay. Waad og tihiinoo maantana nin reer Puntland ah ayaa ku fadhiya kursiga raysul wasaaraha” ayuu yiri madaxweyne Faroole oo loo sacabtumayey.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...