Wednesday 18 January 2012

Kalluun Farabadan oo Kusoo Caariyey Xeebta magaalada Boosaaso [Sawirro].


Share
Boosaaso[RBC Radio] Labadii maalmood ee ugu danbeeyey waxa kusoo badnaayey afaafka hore ee Xeebta magaalada Boosaaso kalluun lagu qiyaasay tiro ahaan 3- tan oo aan la garaneyd Sababaha keenay in banaanka hore ee Xeebta kusoo Caariyo taas oo iminka ay cabsho ka muujiyeed dadka deegaanka.
Kalluumaysatada magaalada Boosaaso oo ay RBC Radio wax ka weydiisay Sababaha keenay in kalluun intaas leeg dibada uga soo caariyo ayaa waxa ay ka bixiyeen aragtiyo kala duwan,waxaana qaarkood ay sheegeen in uu yahay mid lagu soo sumeeyey gudaha Badda halka kuwa kalena ay yiraahdeen in Sadkasta lagu bartay xiliyadan oo kale in baddu ay soo tufto kalluunkan oo loo yaqaan Caydiga.

Aggaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dawladda Puntland Cabdiwaaxid Maxamuud Xirsi[Joocaar] oo Warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa ayaa sheegay in sababta kaliya ee Kalluunkan Badda kasoo saartay ay tahay Shidaal farabadan oo ay Doonyuhu ku shubaan Badda taasina ay keentay in ay banaanka usoo Caariyaan.

Siciid Faarax Bille oo kamid ah dadka degan una dhow Xeebta uu kusoo Caariyey Kalluunka ayaa sheegay in saameyn weyn ku yeelatay Kalluunka soo caariyey taas oo keentay in sanka laga qabsado urka mar kasta oo guriga gelayso ama ka baxayso.

….”"Kalluunkii yar yaraa oo aynaan warba u hayn  lagana yaano in uu sumaysan yahay oo aynaan Sheybaaro iyo wax kale geyne in laga cunay magaalada ayaa suurtagal ah ….”ayuu yir Siciid Farax Bille.

Hadal haynta ugu badan ee gudaha magaalada Boosaaso ayaa ahayd Kalluunka tiradaas leeg ee dibada uga soo Caariyey badda,waxaana ay intooda badan ku sheegeen in la sumeeyey badda taas oo ay Dawladdu iyana Shidaal lagu dhec-daadiyey Badda ku sheegtay sababta.
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Boosaaso
turrabi20@gmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...