Wednesday 18 January 2012

Midowga Afrika Oo Taageeray Shariif Xasan Sheekh Aadan “Warbixin”


Share

Guddoomiyaha Midowga Africa Jeanpingjpg
Guddoomiyaha Midowga Africa Jeanpingjpg
Addis Ababa (RBC) Midowga Africa ayaa sheegay inuu aad uga walaacsanyahay qilaafka todobaadyadii la soo dhaafay ka dhex oognaa baarlamanka Soomaliya, ee ka dhashay Markii xildhibanada Barlamanka ay sheegeen inay xilka ka qaadeen Gudoomiyahooda Sharif Xassan Shiekh Aden.
War saxafadeed Isniintii ka soo baxay Xarunta Midowga Africa  ee Magaalada Adis-ababa ayaa  lagu sheegay in Ururku uu ka qoomameynayo, awood daridda ka muuqata qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya , ee laga doonayo inay muujiyaan xil kasnimo, oo ay u istaagaan xalinta dhibaatooyinka horyaala dalkooda.
Gudoomiyaha Midowga Africa  Jean Ping oo ku sixiixnaa war saxaafadeedkan ayaa hoosta ka xariiqay in doorashada Gudoomiye Cusub oo uu yeesho Baarlamanka Somaliya ay tahay mid xad-gudub ku ah heshiiskii Kamampala ee June, 2011 iyo hesiiskii dhinacyada siyaasadda Soomaalida  ay  ku gareen  Muqdisho, Sebtember, 2011.
Waxey talaabtaasi ku tilmaameen mid si adkeyn karta sii wadidda dadaalada nabadeed ee Soomaaliya, xilli Midowga Africa iyo IGAD ay xoojinayaan AMISOM, si loo xajiyo guulaha dhinaca amaanka laga gaaray.
Mr. Jean Bing ayaa ku celcelinyay sida ay uga go’antahay Midowga Africa in talaabo ku haboon uu ka qaado shaqsi kasta oo faraha kula jira, falal lagu wiiqayo hanaanka nabadda iyo dib u heshiisiinta somaliya iyo dadaalada AMISOM.
Dhinaca kale, Gudoomiyaha Midowga Africa ayaa raba in ku guuleesto doorashada midowga Africa oo dhaceysa dabayaqaada bishan Januray, taas oo ka dhaceysa xarunta cusub ee Midowga Africa oo laga dhisay meel aan sidaas uga fogeen xaruntii horre ee ku taalla Caasimada Addis Ababa.
Mr, Bing ayaa ku hamaniya in markii labaad uu xilkan ku guuleesto, laakin wuxuu loolan kala kulmi doonaa wasiirka arrimaha dibada Koonfur Africa Maite Nkoana-Mashabane,oo hadda la sheegayo in uu noqon doono guddoomiyaha xiga midowga Africa.
Dowlada Shiinaha ayaa soo gabagabeysay dhismaha cusub ee midowga Africa, taas oo ka dhisan dhimaha hadda ay ku shiraan madaxda Midowga Africa oo horrey u laheed QM
Furitaanka Xaflada dhismaha cusub ee midowga Africa waxa ka qeyb gali doona Madaxweynaha Shiinaha Huu Tinjow, iyo ergo caalami ah.
RBC Radio
———————————-

Xafiiska Wararka Nairobi

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...