Wednesday 18 January 2012

Puntland : Soomaaliland Wadahadal wey naga diiday haddana ma rabto


Share
Boosaaso[RBC Radio] Dawladda Puntland ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajisay in Maamulka Soomaaliland uu ka biyo diiday in Puntland wadahadal toos ah uu dhexmaro xili Soomaaliland dagaal kusoo qaaday degmada Buuhoodle.
Wasiirka arrimaha gudaha Dawladda Puntland Janraal Cabdillaahi Axmed Jaamac Ilka-jiir oo la hadlay laanta Af-soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in mar kasta ay Puntland dhowrayso daris wanaaga iyo nabada u dhaxaysa Soomaaliland balse aysan diyaar u ahayn taas Maamulkaas.
Wuxuu xusay Wasiirku in Dawladda Puntland aysan marnaba horseed u noqon Colaad ba’an balse ay wadaan wadahadal lagu dhameynayo Colaada laguna gaarayo nabad iyo barwaaqo,waxaana Canbaareynaa buu yiri dagaalkii qaawanaa ee ay Soomaaliland ku qaaday Shacabka degan Buuhoodle.
…..”Puntland mar kasta waxanu dhowrnaa nabadgelyada,wadajirka iyo daris wanaaga naga dhaxeeya taas anagoo tixgelinayna,waxaana canbaareynaynaa Weerarkii qaawanaa ee gardarada ah ee lagu qaaday Shacabka ku dhaqan Buuhoodle.
Mowqifka Puntland ay ka taagan tahay dagaalka Buuhoodle ayaa waxa uu ku tilmaamay in la isugu yimaado geedka wadahadlka laguna dhameeyo si nabad ah.
Si kastaba Dawladda Puntland ayaa si adag uga hadashay dagaalka Soomaaliland kusoo qaaday degmada Buuhoodle,waxaana ay kasoo saartay Warsaxaafadeed lagu Canbaareynayo Weerarka Soomaaliland.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Boosaaso

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...