Wednesday 18 January 2012

Ismariwaaga Beledweyne ee Itoobiya iyo AMISOM oo meel adag gaaray.


Written by Administrator on .
somalimemo.netIyadoo dhawaan xukuumadda Adis Ababa ay ka dalbatay golaha Midowga Afrika in ay keensadaan quwad u ilaalisa amaanka magaalada Baladweyne isla markaana tallaabadaasi ay soo dhaweeyeen ciidamada shisheeyaha ayaa lagu soo waramayaa in la isku afgaran la' yahay hanaanka bixitaanka Itoobiya.

Taliska Ciidamada shisheeye ee Muqdisho ayaa kulamo la qaatay saraakiil Itoobiyaan ah kuwaasi oo dalbanayay in ciidamo ka madax banaan DKMG ah la geeyo magaalada Baladweyne, haddii kale isbadal waliba oo magaaladaasi dib ay ugu soo galaan Mujaahidiinta ay dusha u ridanayaan ciidamada shisheeyaha.

Ismariwaagan ayaa hadda lagu soo waramayaa in uu soo farageliyay xafiiska nabadgalyada iyo amaanka ee Midowga Afrika, iyadoona dawladda Itoobiya ay si daran ugu cadaadineyso dawladaha Uganda iyo Burundi iyagu in ay dusha u ritaan masuuliyadda Baladweyne.

Dawladda Itoobiya ayaa diidan in ay ku sii lug lahaato waxa ay ugu yeertay dagaalkan ujeedada laheyn ee Somaliya sida laga soo xigtay ilo wareed ku dhaw wasaaradda arrimaha dibadda, waxeyna Itoobiya saluugsan tahay hanaanka shaqo ee Afrikaanta iyadoo arkeysa in danaheeda siyaasadeed ee Somaliya ay meesha ka baxeen sanadihi u danbeeyay.

Xeeldheerayaal ayaa sheegaya in arrimahan ay ku dooneyso xukuumadda Adis Ababa in ay isku muujiso awood ahaan in ay ka heer sareyso ciidamada Uganda iyo Burundi oo ciidamada Itoobiyaanka ay qamaar weyn ku sameyn karaan weeraradi magaalo weyn oo Mujaahidiintu ka taliyaan, laakin su'aasha ay jawaabta u la'yihiin waxey tahay, yey ku wareejinayaan goobaha ay soo weeraraan mar haddii ay dhankooda diyaar u aheyn dhiig bax badan?

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...