Wednesday 18 January 2012

Wararkii ugu danbeeyay dhaq dhaqaaqa gudaha Kenya.


Written by Administrator on .
somalimemo.netIyadoo dhawaan fariin uu jeediyay sarkaal sare oo Kenyaati ah ayna baahisay Mu'assasada Al-Kataib ee warfaafinta Mujaahidiinta Al-Shabaab ay reebtay saameyn xoog leh oo ku aadan shabaabka Muslimka ah ee dalka Kenya, ayaa hadda waxaa billowday dhaq dhaqaaq xoog leh oo ay wadaan dhalinyarada Muslimiinta ee baaqa loo diray.

Xarunta dhalinyarada Muslimiinta ee magaalada Nairobi ayaa jawaab ay ka soo saareen hadalkii Sheekha Kenyaatiga waxey ku sheegeen in ay aad ugu farxeen Jihaadkii ay Somaliya ka doonan jireen hadduu ugu yimid gudaha waddooyinka magaalada Nairobi.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in shirar iyo xiriiro ka dhexeeya dhalinyarada Muslimiinta Kenya ay billowdeen iyadoona ay qorsheynayaan in ay badalaan qaabka weerarada muddooyinkii u danbeeyay ee bambo tuurka aha, isla markaana ay isticmaalaan dagaalada ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.

Ilo wareed Masuul ah ayaa inoo xaqiijiyay in dhalinyarada Muslimiinta Kenya ay taageero xoog leh ka heystaan culimaa'udiin caan ah, waxaana la sheegayaa in abaabulkoodu uu ku wajahan yahay beegsashada dhamaan qeybaha kala duwan ee ciidamada dawladda Kenya iyo danaha reer galbeedka ee wadankaasi.

Bishi October ee sanadki hore ayay Kenya lugaha la soo gashay dagaalka qaraar ee Somaliya iyagoo mooday deegaanada ay qalqalka ku hayaan ee Shareecada ka taliso in ay yihiin dhul looma ooyaan ah, dhiigga dadkuna uu yahay biyo daatay oo kale, balse maalmaha soo socda ayay ogaan doonaan go'aankoodii dagaalka in uu khaldanaa.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...