Wednesday 18 January 2012

Beesha Ceyr oo bilowday Kacdoon ka dhan ah Mushrikiinta, Dhuusamareeb oo Caawa Bandaw ah.


Written by Administrator on .
somalimemo.netXaalado kacsanaan ah ayaa lagasoo sheegayaa degmooyin katirsan gobolka Galguduud oo ay ku suganyihiin kooxaha mushrikiinta ah ee Itoobiya wakiilka uga ah dagaalka Gobolada dhexe.

Wararka nagasoo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka dhax taagan tahay beesha Ceyr iyo hogaamiyaasha kooxaha mushrikiinta waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo ka dhacaan magaalada.

Xoogag beeleed diidan maamulka mushrikiinta ayaa galabta soo galay Dhuusamareeb waxayna handadaad ku hayaan maleeshiyaad mushrikiin ah oo ku sugan xarunta degmada iyo saldhigga Booliska.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in beesha Ceyr oo dhawaan Heshiis lagashay xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay dooneyso in ay deegaanada ay beeshu degto ka saarto kooxaha mushrikiinta.

Bandaw ayaa lasoo sheegayaa in caawa lagusoo rogay magaalada Dhuusamareeb hubanti la'aan ayaa ka taagan cidda bandawga kusoo rogtay magaalada wararka qaar ayaa sheegaya in xoogag beeleed magaalada dhan ka jooga ay Bandawga soo rogeen halka warar kale ay sheegayaan in mushrikiintu ay bandawga saareen magaalada.

Dhinaca kale magaalada Guriceel waxaa ka taagan xiisad colaadeed oo u dhaxaysa beesha Ceyr iyo mushrikiinta, xoogag beesha taabacsan ayaa qafaashay maleeshiyaad mushrikiinta katirsan.

Guuxa ka jira Dhuusamareeb iyo Guriceel ayaa ah in dagaal ka dhaxtaaganyahay Mushrikiinta beesha Ceyr, ganacsato katirsan beesha ayaa wada abaabul xoogan oo Guriceel iyo dhuusamareeb looga saarayo Mushrikiinta, cutubyo katirsan ciidanka Itoobiya oo ku sugan Balanballe ayaa laga yaabaa in ay dhanka Guriceel usoo baqoolaan.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...