Wednesday 18 January 2012

Weerar Hub lagu furtay oo Beled Weyne ka dhacay.


Written by Administrator on .
somalimemo.netCiidamada wilaayada Islaamiga Hiiraan ayaa sare u qaaday howlgalada ay ku baacsanayaan ciidamada gumeysiga Itoobiya ee duulaanka ku qabsaday magaalada Beled weyne.

Dagaal aad uculus ayaa xalay markale ka dhacay galbeedka magaalada Beled Weyne oo habeenadii lasoo dhaafay bartilmaameed u ahaa mujaahidiinta.

Weerar qorshaysan ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay galbeedka magaalada, ciidamada mujaahidiintu waxay xalay xoogga saareen in ay dhabarka ka jebiyaan maleeshiyaadka Soomaalida ee Itoobiyaanka carra tuurka u ah.

Dagaalka oo muddo Hal saac ku dhaw socday waxaa lagu dilay Sedax katirsan maleeshiyaadka Dabadhilifyada waxaana halkaasi lagasoo qaniimeystay hub iyo rasaas farabadan oo ay cadawgu heysteen.

Saraakiil katirsan wilaayada Hiiraan ayaa warbaahinta islaamiga u xaqiijiyay in weeraradu kusii socan doonaan cadawga heysta magaalada Beled weyne.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...