
Wararka aanu ka helayno Deegaanka Buuhoodle baa sheegaya in Ciidamadii Somaliland ee saaka Waabarigii Gudaha u Galay degmada Buuhoodle ay dib uga Noqeeen deegaankaasi ka dib Iska Caabin Xoogan oo ay kala Kulmeen dadka deegaankaasi ku dhaqan.
Ilo wareed baa sheegaya inay Fadhiisin ka dhigteen Ciidamada Somaliland Meesha lagu Magcaabo Shangala oo 5-Km dhinac Galbeedka ka xigta Magaalada Buuhoodle halkaasi oo ay Rasaas Teel teel ahi wakhtigan ka socoto.
Lama sheegin wax Khasaare ah ilaa haatan oo uu dhaliyay dagaalkaasi saaka Aroortii ka curtay degmada Buuhoodle hase ahaatee wariye Madax-banaan oo ku Sugan Goobta Shirka Taleex baa sheegaya in Ciidamo ka Ruqaansadeen degamda Taleex kuwaasi oo Gaadhay Buuhoodle
Dagaalkan ayaa yimi ka dib markii shalay ay Idaacadaha BBC-da iyo VOA-da Laamahooda Af-ka Somaliga Iska weerareen Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] Prof Cali Khaliif Galaydh oo ahaa Raisalwasaarihii Hore ee Somaliya kaasi oo Hormuud u ah Shirka Taleex.
Bahda- GalGalanews
No comments:
Post a Comment