Sunday 15 January 2012

Ciidamada Somaliland oo Laga Saaray Buuhoodle, Xarumihii Maamulka ooGubanaya (Wararkii Ugu Dambeeyay)

Ciidamada Somaliland oo Laga Saaray Buuhoodle, Xarumihii Maamulka oo

Share
Buuhoodle (RBC) Wararka ugu dambeeya ee naga soo gaaraya magaalada Buuhoodle oo saaka dagaal culus uu ka dhacay ayaa la soo sheegayaa in dib looga saaray ciidamada maamulka Somaliland oo saaka qabsaday.
Dagaalka oo qarxay aroornimadii hore ayaa la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala dwan, waxayna ciidamada Somaliland oo magaalada duulaan ku soo qaaday ay gudaha u galeen magaalada.
Hase yeeshee ciidamada deegaanka SSC ayaa markii dambe dib isaga caabiyey taasoo keentay in ciidamada Somaliland ay dib uga baxaan xagga waqooyi ee magaalada oo ay markii hore ka soo galeen.
Illaa hadda lama hayo tirakoob rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha dadka soo gaaray, hase yeeshee waxaa jira dhaawacyo isbitaalka la geeyey.
Xarumo la gubay
Wariye ku sugan magaalada ayaa Raxanreeb u sheegay in uu arkay labo saldhig boolis oo ku yaalay magaalada ay gubteen ka dib markii Madaafiicda la isweydaarsanayey ay ku dheceen.
Sidoo kale xaruntii maamulka degmada ayaa madaafiic ku dhacday taasoo keentay in qeyb ay ka dunto.
Barakac ka socda magaalada
Dadka rayidka ayaa intiisii badneyd hore uga qaxay magaalada hase yeeshee markii saaku weerarku bilawday ayaa dadkii ku harsanaa magaalada ay bilaabeen inay qaxaan.
Mid ka mid ah dadka saaka magaalada ka baxay oo Raxanreeb telefoon kula hadlay ayaa sheegay in carruurttii uu u kaxaystay dhanka xuduuda Ethiopia si uu ugala baxsado rasaasta ka socota Buuhoodle.
Inkastoo duhurnimadan dagaalka uu san ka socon gudaha magaalada haddana waxaa weli lagu jiraa xaalad dagaal iyadoo wararku sheegayaan in gurmadyo ka kala imaanaya dhanka Somaliland iyo dhanka Taleex ay deegaanka ku wajahan yihiin.
Faahfaahin joogto ah markasta la soco Raxanreeb.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...