Sunday 8 January 2012

Xildhibaanada Baarlamaanka KMG oo Shaaca ka Qaaday inay Wadaan Mooshin ka Dhan ah Xukuumadda C/weli Gaas


 
Share
Xildhibaan Saleebaan Maxamed Ibraahim
Muqdisho (RBC) Xildhibaanada baarlamaanka KMG Soomaaliya oo maanta qaarkood warbaahinta la hadleen ayaa shaaca ka qaaday in baarlamaanka uu ka fekerayo mooshin lagula xisaabtamo xukuumada raysul wasaare C/weli Gaas inay dhowaan horgeeyaan baarlamaanka.
Xildhibaan Saleebaan Maxamed Ibraahim oo ka mid ahaa mudanayaasha maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay muuqato in xukuumadda C/weli Gaas ay wareersan tahay sidaasi darteedna loo baahan yahay in la tuso shaqadeeda.
“Raysul wasaaraha warkiisa maalmahan waa nagu batay, anagu hadda waxaan wadnaa mooshin xukuumada lagula xisaabtamayo” ayuu yiri xildhibaanka.
Xildhibaanka ayaa sheegay in xukuumada illaa hadda aysan baarlamaanka u keenin heshiisyo ay soo gashay oo ay ka mid yihiin soo gelitaanka ciidamada Kenya iyo kuwa Ethiopia oo aan baarlamaanka lagala tashan.
Dhanka kale xildhibaan Cali Maxamuud Faarax [Seeko] ayaa isaguna ku tilmaamay raysul wasaare Gaas “nin shaqadiisa garan waayey” siduu hadalka u dhigay.
“Waan arkaynay in raysul wasaaruhu shaqadiisii aqoon waayey balse hadda bannaanka ayuuba isa soo dhigay,isagu gudoomiye baarlamaana ma doorto mana ahan shaqadiisa” ayuu yiri isagoo ka jawaabayey hadal uu shalay warbaahinta siiyey raysul wasaare C/weli Gaas.
Hadalkamudanayaashan ayaa u muuqda mid jawaab u ah hadalo uu beryahan warbaahinta siiyey raysul wasaare Gaas oo sheegay inuusan aqoonsaneyn gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Madoobe Nuunow Maxamed oo ay doorteen xildhibaanada 4tii bishan Janaayo.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...