Wednesday, 2 July 2014

Garyaqaankii Dilka ku Xukumay Saadaam Xuseen oo ay Dal-daleen Jabhada Daacish(ISIS) iyo Ehelka Saadaam oo dilkan soo dhaweeyay

 2014-06-23 14:36:34

Jamhadda Daacish(ISIS)ee Dagaalka kula jirta Xukuumadda Shiicadda ee Dalka Ciraaq ka talisa,ayaa gacanta ku dhigay Garyaqaankii Dal-Dalaadda ku xukumay Madaxwewynihii hore ee Dalka Ciraaq Saadaam-Xuseen oo 2006-dii La Dal-Dalay.

Garyaqaan Raauuf C/raxmaan ayaa ahaa Garyaqaankii dilka ku xukumay Saadaam-Xuseen,waxaana Dilka Garyaqaankan soo dhaweeyay Eheladda Madaxwewynihii hore ee Degmadda Tikrit ku sugan oo alalaas iyo farxad ku soo dhaweeyay dilkiisa,waxayna sheegeen in Kooxda Daacish (ISIS)ay waajibkiisa Marsiiyeen Garyaqaan Raauuf oo Da*diisa aheyd 69-Jir.

Xukuumadda Ciraaq ee Reysalwasaare Nuur Al-Maliki ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan Dilka loo geystay Garyaqaankan ay Dal-Daleen Kooxda Islaamiyiinta ee Daacish (ISIS)oo iyagu Dagaalka kula jira inay difaacaan sharaftii iyo karaamadii Suniyiinta Ciraaq oo bahdilaad kala kulmay Xukuumadda Shiicadda u badan ee Reysalwasaare Nuur al-Mailiki uu Hogaaminayo

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

No comments:

Gold toilet stolen in Blenheim Palace burglary

8 minutes ago Share this with Facebook   Share this with Messenger   Share this with Twitter   Share this with Email   Sh...