Wednesday 10 September 2014

Shirkii Beelaha Hawiye oo lagu dhisay 4 koox oo 4 qorshe loo dhiibay (Aqri)


SEPTEMBER 10, 2014 8:00 AM0 COMMENTSVIEWS: 3770
Muqdisho (Caasimada Online) – Shir ay isugu yimaadeen siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo waxgaradka Beesha Hawiye oo aad uu ballaaran,  ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho, caasimada qaranka Soomaaliya. Waxaa shirkaas kasoo qaybgalay aqoonyahnnada iyo siyaasiyiinti hore ee Hawiye ee qurbajoogta ah oo khadka telefoonka uga qaybqaadanaayay.
Waxaa shirkaas lagu lafaguraayay oo aad looga dooday xaaladda guud ee dalka uu maanta maraayo, siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo midaynta beesha Hawiye. Shirkaas waxaa kaloo diiradda lagu saaray u diyaargarowga beesha ee sandaka 2016-ka oo la rajaynaayo inay doorasho ka dhacdo dalka.
- Iyadoo laga duulaayo xaaladaha jira iyo geedi socodka nabadda, roadmap-ka ay beesha caalamka ugu talagashay in lagu gaaro doorashooyin, iyadoo la tixgelinaayo qaabka ay maanta wax u socdaan sida dhismaha maamul goboleedyada iyo siday ku dhismeen ama lagu dhisaayo inta dhiman.
Iiyadoo xooga la saarayo midnimada beesha iyo Sooomaalida kale intaba lana taageeraayo sidii ay dawladda hadda dhisan ay ku gaarsiin lahayd dhamaystirka barnaamijyadii loo igmaday fulinteeda, ayna ku dhamayso waqtigii loogu talagalay.
- Iyadoo mudnaan gaara la siinaayo dib u eegadda Dastuurka qaranka iyo sidii ay bulshada Soomaaliyeed dhamaantood uga qaybgali lahaayeen looguna codayn lahaa si loo ansaxiyo, ayay beesha Hawiye si ay doorka ay ku leedahay uga soo baxdo, ayaa shirka lagu dhisay kooxo hawleedyo kala duwan loona kala xilsaaray hawlo hoos ku kala cayiman.
1.  Koox ka kooban khubaro iyo aqoonyahnno ka shaqeeyo Strategy-yada guud ee siyaadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee Hawiye.
2.  Koox ka kooban khubaro iyo aqoonyahnno ka shaqeeyo galaangal u samaynta iyo u doodista xaquuqda beesha gudaha iyo dibadaba (Lobbying & Advocacy).
3.  Koox ka kooban khubaro iyo aqoonyahnno ka shaqeeyo u diyaargarawga Doorashooyinka soo socda iyo dhismooyinka Dowlad goboleedyada iyo sidii beelaha Soomaalieed oo dhan ay beelwalba xuquuqdeeda si nabad ah ku heli laheyd, dulmi iyo sadbursina looga fogaado.
4.  Koox ka kooban khubaro iyo aqoonyahnno ka shaqeeyo sidii loo sugi lahaa amniga deeganada ay beesha degto, nabad kula noolaashada beelaha la dago iyo dersikoodaba iyo guud ahaan xasilinta iyo suggida amniga guud ee dalka.
Waxaa gabagabadii la isku raacay in koox hawleedyadaan guda galaan shaqooyinkooda lana kaashadaan cid kastoo ay kaga fursan waayaan, si loo gaaro mawqif midaysan oo ay beesha Hawiye leedahay soona dar dar geliya midaynta Beesha Hawiye.
Waxaa kale oo la isku raacay in la joogteeyo shirarkaan la isuga soo noqdo mudda gaaban oo la cayimay,si la isula socdsiiyo qaabkii koox waliba ay u dhaqaajisay hawsheedii, waxii u hagaagay iyo caqabadaha ka horyimd markaasna ay talooyinka beesha ay u helaan.
Abaabulayaasha shirka “Midnimada Hawiye” waxaad kala soo xiriiri kartaa:
Email: hawiye.unity@gmail.com
Facebook: Hawiye Unity (halkaan riix: http://goo.gl/Wcrmkp)
Twitter: @HawiyeUnity

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...