Wednesday 10 September 2014

XOG: R/W Cabdi Weli iyo Jawaari oo is fahmay iyo ballan qaad la siiyey C/Weli


SEPTEMBER 10, 2014 6:00 AM0 COMMENTSVIEWS: 1910
Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno ka tirsan Golaha Shacabka Dowlada Federaalka Somalia, ayaa sheegaya in Khilaafyada ka dhex taagan madaxda Dowlada Soomaaliya ay weli taagan yihiin, ayna ku biireen dhinacyo kale.
Ilo-wareedyo la hadlay Caasimada Online, ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha Dalka C/weli Sheekh iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari ay si aad isugu dhowaanayeen maalmihii dhowaa, xilli khilaaf uu dhaxeeyo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.
Waxa ay sheegeen in Jawaari uu dhowr mar taageeray go’aanno uu qaatay Cabdi Weli, oo madaxweynaha uusan jecleysan.
Waxa ay xuseen oo ugu dambeeyey xil ka qaadistii agaasimihii hay’adda nabad-sugidda qaranka Cabdullaahi Sambaloolshe, oo uu ra’iisul wasaaraha ceyriyey.
Sidoo kale, Xubnaha ayaa sheegay in Jawaari uu Ra’isul wasaaraha Dalka C/weli Sheekh u ballan qaaday inaan lagu ridi doonin Mooshin kaga imaada dhanka Golaha shacabka>
Sida wararku sheegayaan waxaa hadda socda mooshin ay wadaan xulufada Xasan, balse ay u la’ yihin taageero ku filan.
Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Jawaari iyo C/weli Sheekh ay isla meel-dhigeen inay u midooban Siyaasadaha uu damacsan yahay Madaxweyne Xasan. Jawaari ayaa la sheegay in si aad ah u dhibsaday siyaasadda kooxda Damu-Jadiid ee kali-talisnimada ku dhisan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...