Monday 9 May 2016

Qalabka lagu hago diyaaradaha ee laga maamulo Kenya oo qeyb ka mid ah dalka la keenay


 
0
SHARE 
Muqdisho.May.(SONNA)…Safiirka Soomaaliya ee fadhigiisu yahay dalka Kenya Danjire Jamaal Maxamed Xasan  ayaa sheegay in qeyb ka mid ah  qalabka lagu hago diyaaradaha  ee laga keenay dalka Kenya lagu wareejin doono maamulka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada.
Safiirka  oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa xusay  in qalabka uu ka keenay Kenya ay yihiin qeyb ka mid ah Isgaarsiinta  looga shaqeeyo hawada Soomaaliya ee yaalla Magaalada Nairobo ,isagoo intaa raaciyay in la soo dhameystiri doono qalabka kale  ee weli dhiman.
Safiirka Soomaaliya e dalka Kenya Danjire Jamaal Maxamed  Xasan  ayaa qiray in tallaabadani  ay door weyn ka ciyaari  karti horumarka dalka, maadaama Wasaaradda gaadiidka iyo duulista Hawada ay awood u yeelan doonto in caasimadda ay ka maamusho hawada dalka.
Maalinta Isniinta ayaanlagu wadaa in la qabto xaflad Safiirka Soomaaliya ee Kenya uu qalabkaasi ku wareejinaayo  madaxda Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...