Sunday 29 May 2016

Cali Khaliif Gallaydh: ” Laascaanood xoog ayaan kula wareegeynaa,maalmaha soo socda”


cali-khaliif-Galeyr
Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha maamulka Khaatumo,Cali Khaliif Gallaydh ayaa markii ugu horreysay ku goodiyay in si xoog ah ay ku soo ceshan doonan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo gacanta ugu jirta maamulka Soomaalililand.
Waxuu sheegay madaxweynaha Khaatumo inay diyaariyeen ciidamo xoog leh, isagoo xusay inay heystaan fursad aanay horay u jirin, isla markaana guushu ay dhow-dahay,Waxuuna marka caddeeyay in maalmaha soo socda ay dib u soo ceshan doonaan gacan ku heynta magaalada Laascaanood.
“Waxaa ku rajo weynahay in Laascaanood aan maalmaha soo socda aan soo ceshano, Baarlamaanka kalfadhigiisa ku qabsano bisha October haddii alle yiraahdo, hadal aan iska iri ma ahan, dhulka ma xoroobayo hadii aan la uruurin ciidankii loo baahnaa,”ayuu yiri Cali Khaliif Gallaydh.
Gallaydh waxuu sheegay in Laascaanood ay tahay caasimada Sool, Sanaag iyo Cayn, isagoo ku baaqay in laga qeyb qaato sidii dhulka ka maqan gacanta maamulkiisa.
“Laascaanood dadka xoreystay ayaa maamulo doona, waxaa leenahay dadka kale waa inaa ka qeyb qaadatayaan, hadhow yaanay marti ka noqonina, waa go’aan hada inoo yaalo, waxaa jira fursad aan markii hore heysan, guushu waa dhow-dahay,”ayuu ku darey hadalkiisa madaxweynaha Khaatumo.
Maamulka Khaatumo oo aan wali helin aqoonsiga maamulada federaalka ee dalka, waa maamul ka madax banaan Puntland iyo Soomaaliland oo labadaba ku muransan dhulka uu maamulkaas hadda doonayo inuu dib u xoreeyo.
Tan iyo sanadkii 2007-dii,waxaa gacanta ku haysa magaalada Laascaanood maamulka Soomaaliland oo marka kala wareegay Puntland,waxaana la xasuusta hadal uu jeediyay madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Gaas markii la doortay sanadkii 2014 isagoo marka sheegay inay dib usoo celin doonan gacan ku heynta Laascaanood.
__
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...