Wednesday 25 May 2016

Shirkii Isimada Puntland uga socday Magaalada Garoowe oo war-murtiyeed laga soo saaray(Sawirro+Cod)


IMG_1344
Garowe-(RBC Radio)-Shir mudo mudo 6 cisho ah uga socday Magaalada Garoowe qaar kamid ah Isimada Puntland oo ka kala yimid gobalada Puntland ayaa maanta la soo gabagabeeyey waxaana laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban afar qodob.
Shirkaan ayaa intii uu socday waxaa lagu lafagurayey xaalada guud ee Puntland waxaana sidookale shirka siweyn loogu qaadacay shirka ka socda Magaalada qardho ee ay isugu yimaadeen Isimo ka kala yimid gobalada dalka oo uu shir gudoominayo boqor burhaan boqor muuse.
Qodobada soo baxay ayaa lagu sheegay in kulanka kasocda xarunta gobolka Karkaar uu yahay mid siyaasadeed oo lagu kala qaybinayo isimada Puntland, waxaana lagu xaqiijiyay inuu hareermarysanyahay hishiisyo horay loog gaaray.
Go’aanka duub-dhaqameedka Garowe isku raaceen ayaa ahaa Afar qodob oo akhriyay Suldaan Bashiir Muuse Konte, ayaa u dhignaa sidan;
1. Waxaa madashada fadhiga, isimada Puntland ee Garowe u mahadcelinayaan dhammaan isimadii iyo waxgaradkii sida joogta ah nooga lasoo xiriirayay deegaanada kala duwan ee Somalia, si ay xaqiiqda shirkaasi u ogaadaan, kuna qancay inaan shirkaasi ahayn mid dhaqan kaliya ah
2. Waxaan sidoo kale mahadnaq iyo bogaadin u diraynaa shacabkii Puntland ee gudaha iyo dibadaba joogay, ee nala gartay dareenka aan shirkaasi ka qabnay naguna taageeray
3. Waxaana hay’adaha Qaramada Midooba iyo madaxda dowladda Federalka ee hanka siyaasadeed ee 2016 ku jiro, ugu baaqaynaa inay faraha kala baxaan arrimaha dhaqanka ee Puntland
4. Isimada madasha caasumadda Garowe, waxay isla garteen cawaaqib xumada ka timaada shirkaas, waxaa mas’uuliyadeeda iska leh, ciddii abaabusha ama dhaqaalaysay
Qodobadaasi kadib isimada ayaa mahadcelin u jeediyay, umadda Somaliyeed iyagoo ILAAH uga baryay in colaadaha, abaaraha iyo cudurrada ka saaro, quluubtoodana isu soo jeediyo, qarankoodiina usoo celiyo.
Qaar kamid ah isimada madasha ayaa intaasi kadib la hadlay warbaahinta iyagoo sheegay inay ka xunyihiin arrimaha ka taagan Puntland gaar ahaan qaabka loo kala qaybinayo dhaqanka, waxayna tilmaamameen inay nasiib darro tahay in laga hadlo arrimo fog iyadoo aan la xallin midda ka taagan beelaha ku bahoobay Puntland.
War-saxaafadeedka kasoo baxay odoyaasha dhaqanka ee Garowe ku shirsan ayaa ku saxiixnaa 21 odoy isim oo kala ahaa;
1. Islaam Ciise Islaam Maxamed Islaam Muuse
2. Garaad Cabdullaahi Cali Ciise [Afhayeenka Isimada Puntland]
3. Boqor Cabdullaahi Axmed Cali
4. Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin
5. Suldaan Siciid Maxamed Maxamud (Irbad)
6. Islaam Axmed Islaam Maxamud
7. Garaad Cabdullaahi Dacar (Tamaam)
8. Ugaas Cabdulqaadir Cailmi (Filig)
9. Suldaan Cabdisalaam Suldaan Maxamud
10. Suldaan Nuur Suldaan Maxamed Aadan
11. Garaad Maxamed Cilmi Shirwac
12. Suldaan Bashiir Muuse (Konte)
13. Suldaan Siciid Maxamed (Garaase)
14. Suldaan Cabdullaahi Saalax Cumar
15. Islaam Mahad Islaam Maxamud Cilmi
16. Suldaan Maxamud Xasan Cumar
17. Suldaan Maxamed Suldaan Axmed
18. Islaam Maxamed Maxamud Cali
19. Garaad Cabdirashiid Garaad Ismaaciil
20. Islaam Maxamud Islaam Yaasiin
21. Suldaan Axmed Bashiir Ducale.
Arintaan ayaa ku soo beegmaysa xilli shalay Madaxweynaha Puntland uu magaalada qardho ka furay shir ay ka soo qab-galeen Simo ka kala yimid gobalada Puntland iyo Soomaaliya waxaana wali xal laga gaarin khilaafka Isimada Puntland.
Halkaan ka dhegeyso war-murtiyeedka.

Audio Player

Hoos ka daawo Sawirradda.
IMG_1234 IMG_1237 IMG_1242 IMG_1249 IMG_1252 IMG_1256 IMG_1258 IMG_1259 IMG_1263 IMG_1265 IMG_1267 IMG_1269 IMG_1272 IMG_1273 IMG_1276 IMG_1286 IMG_1289 IMG_1294 IMG_1296 IMG_1297  IMG_1307 IMG_1319 IMG_1325 IMG_1331 IMG_1339 IMG_1344 IMG_1350 IMG_1353
IMG_1299
___

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...