Monday 30 May 2016

Taliyihii ciidanka milliteriga Soomaaliya ee gobolka Galgaduud oo la xiray


Milliteriga Soomaaliya
Milliteriga Soomaaliya
Muqdisho (RBC Radio) Dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay taliyihii milliteriga Soomaaliya ee gobolka Galgaduud,Col. Maxamed Kaariye Caraale (Dhega-Dheere),markii lugu tuhmay inuu ka dambeeyay dilka sarkaal horay uga tirsana al-Shabaab oo markii dambe isku soo dhiifay ciidamada dowladda.
Sarkaalka ayaa markii la xirayay lugu war-galiyay in tababar loogu qaadayo magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,halka oo markii dambe lugu xiray.
Guddoomiyaha degmada Ceelbuur ayaa xaqiijiyay xariga sarkaalkan oo markii laga war helay inuu ku lug leeyahay oo u amar ku bixiyay dilka sarkaalka ka soo goostay al-Shabaab,kaaso lugu magacaabi jiray Ciise Cali Mire.
Taliska Ciidanka xoogga dalka ayaa la sheegay inuu muddooyinkan ku howlanaa baaritaanka dilka loo geystay Sarkaalka isku soo dhiibay ciidamada ee ka soo goostay al-Shabaab.
Col. Dhega-Dheere oo ay ciidamadu xireen,waxaa la sheegay inuu hoggaamin jiray howlgallada ka dhanka ah ururka al-Shabaab ee bartamaha Soomaaliya oo gobolka Galgaduud uu ka mid-yahay.
Xariga taliyaha ciidanka milliteriga Soomaaliya ee gobolka Galgaduud,waxuu ka dhigaya markii ugu horreysay oo sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka loo xiro dilka nin ka soo goostay al-Shabaab.
__
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...