Sunday 22 May 2016

Puntland oo ka jawaab celisay go’aanka uu madaxweynaha Soomaaliya ku ansixiyay hanaanka ay doorashadu u dhacayso


PuntlandMuqdisho (RBC Radio) Kadib markii dawladda Puntland iyo dawladda Federaalka Soomaaliya ay heshiis qeexaya hannaanka doorashooyinka 2016-ka ku kala saxiixdeen magaalada Garoowe ee Caasimadda dawladda Puntland 3-April-2016-ka isla markaana ay beesha caalamku goob-joog iyo dammaanad qaadba ka ahayd heshiiskaasi.
Sidoo kale 12-April-2016 ayaa madasha wadatashiga Qaran kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay si buuxda u oggolaadeen heshiiskaasi u dhexeeyey dawladda Puntland iyo dawladda Federaalka Soomaaliya balse waxa ay soo jeediyeen in heshiiskaasi lagu mideysan yahay la hor geeyo golaha wakiillada dawladda Federaalka Soomaaliya.
Kadib markii muddo saddex toddobaad ah oo heshiiskaasi uu horyaalley golaha wakiillada dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa kasoo bixi waayey wax natiijo ah oo ay isku raacaan xubnaha golaha wakiillada ee doodaasi dhex taalley.
20-May-2016 ayaa waxaa magaalada Muqdisho shir uga furmay golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey iyo madaxda kala duwan ee Soomaaliya, iyadoo shirkaasi uu dawladda Puntland uga qayb galay Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wafti uu hoggaaminayo, shirkaas oo ugu dambayn dawladda federaalka Soomaaliya loogu soo jeediyey in ay meel mariso heshiisyadii hore loo gaarey ee lagu qeexayey hannaanka doorashooyinka 2016-ka.
Ugu dambayn, Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xeer madaxweyne ku meel mariyey dhammaan heshiisyasaasi
Qodobka 1aad
“1. In la dhaqan geliyo Go’aanka Madasha Hoggaamiyayaasha Qaranka ay si wadajir ah u wada qaateen hannaanka doorashada ee lagu qeexay warmurtiyeedkii ay soo saareen 12-kii Abriil 2016 iyo soo Bandhigidda Hannaanka Doorashada Sanadka 2016 ee 30/04/2016 ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u gudbisay Golaha Shacabka Federaalka.
2. In Hannaankan loo adeegsanayo doorashada 2016 oo keliya, marka ay dhammaato muddada dastuuriga ah Hay’adaha Sharci Dejinta iyo Fulinta”.
Go’aankan uu maanta qaatay Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noqonaya mid si rasmi ah u taabba gelinaya heshiisyadii ay hore u wada gaareen dawladda Puntland iyo dawladda Federaalka Soomaaliya.
—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...