Kismaayo (RBC Radio) Maamulka Jubbaland ee koonfurta fog ee Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay in wax laga badalo heshiiskii hanaanka doorashada oo bilowgii bisha April ay Muqdisho ku gaaren hoggaamiyayaasha Soomaalida.
Heshiiska ayaa la xiriiray soo xulista labad gole ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya,taaso hadda uu muran ka taagan-yahay markii baarlamaanku wax ka badalay.
Jubbaland ayaa xukumadda federaalaka Soomaaliya ku eedeeysay in ay mowdhuuca saldhigista maqaamka gobolka Banaadir iyo magaalada Muqdisho ay ku lifaaqday heshiiskii hore iyadoo kaashanaysa awooda baarlaamanka taaso keenaysa ballan ka bax ay dhibaato kale ka imaan karto.
Hoos ka akhriso war-saxaafadeed kii oo dhammaystiran:
__
RBC Radio
No comments:
Post a Comment