Sunday, 22 May 2016

DAAWO: Shirkii jaraa’id ee u madaxweynaha ku shaaciyay xeerka doorashada


Madaxweynaha_Somalia_Xasan_Sheeekh
Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta go’aan cad ka gaaray doorashada Soomaaliya oo maalmihii dambe lugu muransanaa heshiiskii horay looga gaaray ee hanaanka ay doorashadu u dhacayso.
Madaxweynaha oo ay deganaan ka muuqata ayaa xeer madaxweyne oo u soo saaray ku ansixiyay hanaanka ay doorashadu u dhacayso oo ansixinteeda markii hore laga sugayay baarlamaanka oo guddi ka tirsan uu dib u eegayay,kuwaaso la sheegay qodobbada qaar inay badaleen,arrinta oo buuq dhalisay.
Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee madaxweynaha



    __
    RBC Radio

    No comments: