Dhahar (RBC) War goor dhow naga soo gaaray degmada Hadaftimo oo ka tirsan Bariga gobolka Sanaag ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa gobolka oo taabacsan maamulka Puntland ay la wareegeen goob lagu hayey sanaadiiqda doorashada Somaliland oo la doonayey in berito lagu codeeyo. Qaar ka mid ah odayaasha degaanka iyo wariyaal degaanka ku sugan ayaa goor dhoweyd RBC u xaqiijiyey in ciidamada Puntland oo waa gaadiidka dagaalka oo ka soo ambabaxay degmooyinka Dhahar iyo Baran ay galabta gaareen degmada Hadaftimo oo ay joogeen qaar ka mid ah hawlwadeenada doorashada Somaliland.SII AKHRI
No comments:
Post a Comment