
Muqdisho (RBC) Ilo xog ogaal ah oo aad ugu dhow hogaamiyaha ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa shaaca ka qaaday in Sheekh Xasan uu baadi goobayo wadan uu ka helo deganaansho siyaasadeed si uu uga dhoofo magaalada Muqdisho oo uu hadda ku sugan yahay. Sarkaalkaasi oo naga codsaday inaan la magacaabin amaankiisa darteed ayaa intaa ku daray in Sheekh Xasan uu waday illaa labo usbuuc wada tashiyo hoose oo madaxda ururkiisu uu kula lahaa magaalada Muqdisho kuwaasi oo diirada lagu saaray culeyska siyaasadeed iyo midka militari ee isa soo taraya ee soo wajahay Xisbiga iyo siyaasada Sheekh Aweys.Sii Akhri
No comments:
Post a Comment