Hargaysa (RBC Radio) Maanta ayaa waxay ahayd maalintii sadexaad ee xisbiga UDUb iskugu soo baxo fagaaraha Beerta xoriyada taas oo ay taageerayaashu ku muujiyaan taageerada ay u hayaa xisbiga tallada haya ee UDUB, kaas oo haatan wakhtigii uu xilka hayeey gabaabsi ku dhawdahay .
Subaxnimadii hore ee saaka ayaa taageerayaashu is kugu soo baxeen goobaha loogu talo galay isku soo baxyada, waxaana saaka dadweynahaas kala hadlay fagaaraha Beerta xoriyada wasiiro ay ka mid yihiin wasiirka Duulista iyo hawada Cali Maxamed Warancade iyo Wasiirka Maaliyada Mr:- Cawil iyo waliba xog hayaha guud ee xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay gudoomiyaha ololaha doorashooyinka Cismaan Hindi.
Sii Akhri
No comments:
Post a Comment