Warar caawa soo gaaray xafiiska RBC ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ninka la dilay la oran jiray Bashiir Cabdi oo ahaa ganacsade Soomaali ah, mudo dheerna deganaa Minneapolis dhawaana ku soo laabtay magaalada Muqdisho.Subaxnimadii Talaadada 23-November 2010, abaare 9:40AM ayaa niman hubeysan toogasho ku dileen Bashiir Axmed Cabdi oo markaasi ku sii socday xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, gaar ahaan xafiiska Raisul wasaare Maxamed C/lahi Farmaajo. Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in rag hubeysan ay geysteen dilka ka dibna ay isaga carareen goobta. Saraakiisha amaanka wax xog ah kama helin arintan.
Sii Akhri
No comments:
Post a Comment