Tuesday, 10 May 2011

Baaq ku socda Qurba Joogta Soomaaliyeed


 
Waxaan jeclaan lahaa inaan la qaybsado dhamaan walaalahayga Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool, siiba kuwa ka soo jeeda dhulka Ogadenia. In baryahan dambe socdo abaabul lagu dhisayo ururro ay gacan ku leedahay dawlada Kaligii Taliye Meles Zanawi. Ururadan ayaa waxay yihiin “Proxy organizations” kuwaas oo loogu talagalay iney matalaan kana qayb qaataan dagaalka uu Zanawi ka wado qurbaha oo ah meesha ay caqabada ugu weyni kaga socoto kadib markii uu guul darro kala kulmay gudaha Ogadenia iyo ciidamada ONLF. Waxaa laga yaabaa akhristow inaad isweydiinayso maxay tahay ujeedada loo aas aasay ururradan? Waxaa loo aas aasay oo kali ah iney Jaaliyaadka qurbaha, xilaaf, nacayb iyo colaad ka dhex abuuraan. Waxaana loo baahan yahay inaad ka feejignaataan.
 
Ururadan ayaa waxay wataan magacyo badan balse waxay ka siman yihiin dhamaantood oo magacyadooda aad ku dhex arkeysaa weedha Somali-Ethiopian. Hadaba maxay tahay weedhan laba magac’laha ah ee Somali-Ethiopian? Hadii aan taariikhda dib ufiirino weedha laba magac’laha waxaa lasiiyaa cidd kasta oo aan xuquuq buuxda loo aqoonsanayn. Tusaale ahaan dalka Maraykanka waxaad arkeysaa qomiyado laba magac’laha sida African-American, Mexican-American, Philippino-American, Native-American IWM. Qoomiyadahan aan kor ku xusay ayaa qaarkood kasoo horeeyey qoomiyadda cadaanka oo ah qoomiyad dalal farabadan oo Europe ka kala timid sida England, Holland, Germany, Sweden iyo kuwa kaloo badan . Waxaase isweydiin mudan waxa loo arki waayey qoomiyad cadaan ah oo laba magac’la ah sida English-American, German-American iyo Swedish-American. Xaqiiqdu waxaa weeye qoomiyadda cadaanku iyada ayaa bixisay labada magac, iyada oo u arkeysay in dadka kale eysan xaquuq buuxa kulahayn dhulka.
 
Hadii aan hadaba usoo noqono magaca Somali-Ethiopian, aan isweydiinee horta majiraa wax la yidhaahdo Somali-Ethiopian? Wan iyo Waraabese ma wada noolaan karaan? Run ahaantii haddii ay Ethiopia o’goshahay in Somalida Ogadenia ay Ethiopian yihiin oo xuquuq buuxda leeyihiin ma’aysan siiseen laba magac. Ileen qoomiyado badan ayaa daggan Ethiopia mana aanaa maqal qoomiyad ladhoho Amhara-Ethiopians ama Oromo-Ethiopians. Hadaba taasi maxay ka dhigan tahay? waxay ka dhigan tahay ama kutusaysaa in Somalidu aysan lahayn, loona ogolayn xuquuq buuxda oo lagu siiyo magaca Ethiopian oo kali ah. Isla markaana la sumadayey lagana soocay umadaha kale. Waa laga yaabaa in qaar idinka mida yidhaahdaan maadaama ay Soomaalidu dalal badan oo geeska Africa dagaan waa in magacyo badan oo kala sooca loo bixiyaa. Taasi waa arrin aan meesha ka maqnayn balse ma’aha sababta magacan loo bixiyey.  Waayo Soomaalidu gumeyste reer Europe kahor waxay ahaayeen dad hal waddan leh, kadibna gumeystuhu kala qayb-qaybiyey iyaga oo dana gaar ah ka lahaa. Hadaba maxay tahay xaqiiqada ka dambeysay in magac Somali-Ethiopian labixiyo?
 
Sannadkii 1935kii ayey ciidamada dawlada Talyaanigu la wareegeen badi geeska Africa kaa soo ka koobnaa Abyssinia, Ogaden, British Somaliland iyo Italian Somaliland oo ay muddo shan sano ah maamulaysay.  Dawladda Talyaaniga oo markaa ka mid ahayd dawladihii lagaga guuleystay dagaalkii labaad ee aduunka (WWII) ayaa dhulkii gacanta ugu jiray kala wareegeen dawladdihii guuleystay (Allied forces) oo ay kamid ahayd dawladii Ingriiska. Haille Selassie oo markaa (exile) ka soo noqday ayaa u arkay guul darradii Talyaaniga fursad uu dhulalka Soomaaliyeed gacantiisa kusoo galiyo. Wuxuu dawladihii guuleystay oo uu kamidka ahaa ugu andocooday in dhulka Ethiopia ee uu boqorka ka yahay gaadhayo xeebaha sarsarkeeda Saylac ilaa iyo kismaayo. Wuxuu bilaabay kolkii codsigaa laga diiday in iskuulada lagu barro in Somaalidu ay yihiin dad Axmaaradu maamuli jirtay dhulkooduna yahay dhulkii Abyssinia. Sidaa daraadeed magaca soomaali Ethiopian uu ku hirgalay, waxayna ilaa iyo maanta aaminsan yihiin maalin uun iney dhulkaa soo ceshan doonaan. Iyaga oo raacaysa sadex qodob 1. Dumi 2. Daciifi 3. Dib uqabso. Maanta waad wada aragtaan shaqadaasi iyo meesha ay marayso, midaan idiinka sheekayna ma’aha.
 
Laakiin waxaa nasiib darro ah in Ethiopia oo aduunka toban sano kadambeysa aan innaguna toban kale iyaga kasii dambeyno. Inaan arki wayno sidey isugu keen adeegsanayso iyo cadaawada ay ina dhex dhigtay. Waxaa hubaal ah inta aan innagu isku mashquulsan nahay ee aan lee nahay qabiil hebel iyo qabiil, qabiil hebel yaa yidhi wax maamula, iyo maxaa dhulka Ogadenia loo yidhi. Inta aan admiral Mohamed Omar Osman  iyo ONLF ama Sheikh Sharif Sheikh Ahmed iyo TFG ku mashquul sannahay iyagu waxay ku mashquulsan yihiin caruurteenu caruuraha ay dhalaan ineysan dhulkan dhibic biya’aha ka kabanin. Gabagabadii iyo gunaanadkii war runtii weynu hurudnaayee aynu toosno inta aynaa noqon ummad dhan oo lawaayey ama tirtirantay. Maanta yeynaan ka dooran barri oo nolol fiican iyo taariikh aan oga tagno jiilka inaga dambeeya.
 
By Abdirahman Hollywood
Hollywood619@gmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...