Sunday 22 May 2011

Daawo Sawirada dagaalaadda xooggan ee maanta ka dhacay Muqdisho iyo goobaha ay la wareegeen ciidamada dowlada


Muqdisho (RBC Radio) Ciidamada dowlada KMG Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM ayaa maanta waxa ay si rasmi ah ula wareegeen wadada Wadnaha iyo goobo kale oo muhiim ah ee magaalada Muqdisho.
Ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa lawareegitaankooda waxa uu ka danbeeyay ka dib markii ciidamada Al-Shabaab ay dagaal lucus kula galeen degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.
Saraakiisha dowlada KMG Soomaaliya ayaa saxafiyiinta waxa ay geeyeen goobo badan oo ay kala wareegeen ciidamada Al-Shabaab waxaana ka mid ahaa goobaha Wariyayaasha la geeyay Masaajidka Biya Maalow iyo qaybo ka mid ah jidka wadnaha ee magaalada Muqdisho.
Ciidamada Al-Shabaab ee ka soo horjeeday dowlada KMG Soomaaliya ayaa waxa ay gudaha u galeen suuqa baakaraha waxaana lagu waramayaa in ay saaranyihiin daaraha dheedheer ee kuyaala Suuqaasi.
Dagaalada Maanta ayaa waxa ay haayeen kuwii ugu xooganaa waxa ayna saamayn balaaran ay ku yeesheen ganacsiga Suuqa Bakaaraha oo maanta dhamaantiisba isgaaray.Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...