Wednesday 11 May 2011

Dagaalo xoogan oo maanta ka qarxay Buuraha Galgala iyo Sheekh Atam oo soo rogaal celiyay

Wararka ka imaanaya Buuraha Gobolka Sanaag ee la yiraahdo Galgala ayaa sheegaya in dagaalo culus ay xalay ilaa maanta ka dhaceen buurahaas, kadib markii ay dib u soo rogaal celiyeen Maleeshiyaadkii uu hogaaminayay Sheekh Maxamed Saciid Atam oo kol hore laga wood roonaaday.

Dagaalada ka dhacay aagaas ayaa yimid kadib markii weerar gaadmo ah xalay lagu qaadayb saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamada Puntland, iyadoo weerarkaas ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale Maleeshiyaadka Sheekh Atam oo dib isu soo abaabulay ayaa la sheegay inay la wareegeen fariisimaha dhanka galbeed ee Galgala ku lahaayeen Ciidamada Puntland ee horay u fuliyay howl galka lagu baacsaday Maleeshiyaadkaas.

Waxaa kaloo jirtay in Kolonyo gurmad aheyd oo Ciidamada Puntland la socday oo ka baxay Magaalada Boosaaso jidka loo galay, iyadoo lala helay mid ka mid ah Kolonyada Qoriga Baasuukaha.

Wasiirka Amniga Puntland Jen. Yuusuf Axmed Kheyre ayaa sheegay in weerarka lagu soo qaaday Ciidamadooda ay ku dhinteen shan askari, halka dhinacii kale ee ka soo horjeeday ay ka dileen 21-ruux.

"Kooxo Argagixiso ah oo 30-40 ahaa oo buuraha ku dhuumaaleysanayay ayaa soo weeraray Ciidamada Puntland, qaarna waa laga dilay, kuwa baxsaday waa lagu raad-joogaa"ayuu yiri Jen. Yuusuf Axmed Kheyre.

Maamulka Puntland ayaa sanadkii la soo dhaafay sheegay inay soo afjareen maleeshiyaadkii uu hogaaminayay Maxamed Saciid Atam, kuwaasoo dagaalo qaatay dhowr bilood ay kula galeen Buuraha Gobolka Sanaag.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...