Saturday 21 May 2011

Dhego badan oo ku khafiifay duqeyn dhowaan lala beegsaday meel uu ku sugnaa. (DHAGEYSO)


Mid ka mid ah Saraakiisha ugu sareysa Maleeshiyaadka Dowladda KMG-ka ayaa lagu soo warramayaa inuu ku dhacay xanuun dhinaca dhimirka ah, kadib markii uu si daran ugu Khafiifay duqeyn xoogan oo todobaadkii lasoo dhaafay lala eegtay  meel ay ku sugnaayeen isaga iyo Maleeshiyaadkiisa.
Ilo wareedyo ay soo xiganeyso Shabakadda SomaliMeMo ayaa sheegaya in Cabdil Kariim Dhago badan maalmihii lasoo dhaafay lagu arkayay  mid ka mid ah Isbitaallada dhinaca Dhimirka qaabilsan ee  kuyaala deegaanada magaalada Muqdisho ay ka joogto Kooxda KMG-ka iyo Ciidamada Shisheeyaha.

Sida loo badinayo waxa uu Mujrimkan waxa uu ku khafiifay duqeyn xoogan oo Guutada Madaafiicda Mujaahidiinta ay la eegteen goob ay ku shirsanaayeen Saraakiisha Maleeshiyaadka kooxda KMG-ka oo ku dhow nawaaxiga Isgoyska dabka ee magaalada Muqdisho dabayaaqadii todobaadkii lasoo dhaafay.

In Dhego badan uu Khafiifay waxyaa cadeynaya wareysi qosol badan oo maalintii duqeynta lala beegsaday uu siiyay Idaacadda Alfurqaan ee magaalada Muqdisho. Isagoo shoogsan ayuu qosol dheer jabsaday kadib markii la weydiiyay inuu ku waxyeeloobay duqeyntii lala eegtay wuxuuna dhego badan ku jawaabay:

“Waa dhintay baa la yiri, waan noolahay HAHAHAHA kkkkkkkkkkkkkkk” ayuu yiri Dhego badan oo si aad ah hadalkiisa looga dareemayay  inuu shoogsan yahay”.


Inta badan Maleeshiyaadka Dowladda KMG-ka iyo Saraakiishooda ayaa waxyeelo dhinaca Maskaxda ah waxay kasoo gaartaa dagaallada iyo duqeymaha Ciidamada Mujaahidintu ay u geystaan.

Marka aad la sheekeysto Ciidamada Mujaahidiinta ee difaacyda ku sugan ayaa waxay kuu sheegayaan sheekooyin layaab ah oo ay ku arkaan Maleeshiyaadka ay is hor fadhiyaan.

“Xilliyada qaarkood ayaa waxaa la sheegaa in Maleeshiyaadka cadow kal-kaalka ah ay dhexdooda is laayaan, kadib markii mid iyaga ka mid ah inta uu marqaanka ka tanbadiyo ay u sawirmaan muuqaallo wahmi ah sida isagoo difaac ku jira oo gadaashiisa ay ka yimaadeen Ciidamada Alshabaab, waxaan markaasi uu billaabaa inuu rasaas xoogan dhinacyada u furo, taasi oo waxyeelo dhimasho iyo dhaawacba leh ay kasoo gaarto Maleeshiyaadka difaaca kula jira” sidaas waxaa yiri mid ka mid ah Ciidamada Mujaahidiinta.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...