Saturday 21 May 2011

Sheikh C/Qaadir Muumin ” Pro Siciid Sheekh Samatar Wuu Ku Gaaloobay Jees-jeeskii Uu Kula Kacay Qur’aanka Iyo Muslimiinta”. (DHAGAYSO WARAYSI)


MUWDISHO:- Xilli maalintii khamiista ahayd Profiser Siciid Sheikh Samatar oo la hadlayay laanta afka Soomaaliga ee idaacadda VOA-da uu qadaf kula kacay qur’aanka Kariimka iyo Umadda Muslimiinta ayaa Markii ugu horeysay waxaa hadalkaasi radul ficil ka sameeyay culimada Soomaaliyeed. Sheikh C/qaadier Muumin oo kamid ah Culimada sida wayn looga tixgaliyo Soomaaliya oo la hadlayay idaacadda Islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa sheegay in hadalkii uu jeediyay Pro Siciid Sheikh Samatar uu kaga baxay diinta Islaamka.
“Culimada Muslimiinta ayaa ku ijmaacay in diinta islaamka uu ka baxayo qof kasta oo shareecada Alle ku tilmaama mid aan cadaalada ilaalineynin” ayuu yiri Sheikh C./qaadir Muumin oo u muuqday in uu aad uga careysnaa hadalkii Murtad Siciid Sheikh Samatar uu ugu gafay Shareecada islaamka.
ISHA WARAYSIGA RADIOALFURQAAN


Professor Siciid Sh Samatar oo ka jawaabay Su’aal uu weydiiyay madaxa laanta afka Soomaaliga ee idaacadda codka Mareykanka C/raxmaan Yabaroow taasi oo ahayd bal sida uu u arko haddalka Brack Obama ee ah dumarka Carbeed in ay helaan xuquuqdooda iyo qayb libaaxa in ay ka qaataan siyaasaada wadamada Carabta? ayaa ku jawaabay.
“Anigaad ila hadlaysaa miyaa, C/raxmaan Yabarow Haa Professor, Taas laftigeeda in aan ka qayliyo ayaan doonayaa! xuquuq haween marna ma suurtoobayso kii Ragga in ay la simanto, inta Gobolo kamida dalalka Islaamka sharciga ay muslimku ku dhaqmaan!. Anigu uma malaynayo in ay imaanayso Dumar xorooba!, sababtu waxaa weeye ma u ugoshahay haddii Nin qaniya dhinto oo Wiil iyo Gabar kadhinto, inaad midkiiba konton siiso xoolihii laga dhintay, Mase rubac iyo waxaas ayaad waddaa iyo Sulusyo (Suluth).
Ma ogoshahay in aad quraanka kabtid, teeda kale Ma ogoshay in waxaan Ribadda la yiraahdo ama Interest ee Bangiyadu ku shaqeeyaan. Ma ogoshahay in Naagta qaanteeda ama magteeda ay la siman tahay kii Ninka, mase in ay Konton tahay meeshii Ninka qaantiisu ahayd boqol.
Ma ogashay waxyaalaha saas oo kalaa haddii aad Dad Muslimiin tihiin ma ogoshihiin!?, haddii aysan ogolayn waxaan laga hadlayoNaag xuquuqdeeda hala sameeyo ma suuroobi karayso ayey aniga ila tahay!.

Hadalkan uu jeediyay Pro Siciid Sh Samatar ayaa sidoo kale ka caraysiiyay inta Iimaanka leh ee Umadda Muslimka ah, waxaana la yaab ah in qof Somali ah oo Muslinimo sheeganaya uu ka talaabsado Aayada dhowr jeer uu Alle kitaabka Qur’aanka ku cadeeyay oo ka hadlayo dhaxalka.
Waraysigii Laga Qaaday Saciid Samatar iyo Warbixintii aan ka qornay HALKAAN RIIX AMA GUJI

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...