Tuesday 17 May 2011

Laascaanood oo Caawa lagu diley labo qof oo midi ka tirsanaa Maxkamada Gobalka Sool ee Maamulka Somaliland



 
Laascaanood (RBC Radio): Wararka caawa naga soo gaaraya Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobalka Sool ayaa sheegaya in Maqribkii dabadiisa la diley labo qof oo mid ka mid ahi uu ahaa Masuul ka tirsanaa Maxkamada Gobalka ee Maamulka Waqooyiga Soomaaliya ee Somaliland.
Khadka Telefoonka oo RBC Radio kula xariirey qaar ka mid ah shacabka laascaanood ayaa noo xaqiijiyey falkaasi lagu dilay kusimihii Maxkamada Gobalka Sool Sh. Maxamed Cabdiraxmaan Samatar, ninka kale ee la dhintey ayaa wararku sheegayaan in la diley kadib markii u isha lasii raacay kooxdii dilka u gaysatey masuulka ka tirsanaa Somaliland waxayna ka shakiyeen eegmadiisa oo ay ka baqeen inuu gartey ninkan danbe waxa naloo xaqiijiyey inuu ahaa ganacsade meherad ku haystey halka lagu diley Kusimihii Maxkamada Gobalka SOol ee maamulka Somaliland.
Xaalada Magaalada Laascaanood ayaa caawa kacsan waxaana magaalada roondaynaya Ciidamada xooga magaalada ku haysta, dilka caawa ka dhacay magaalada waxa uu ku soo aadayaa iyadoo ay magaalada ku sugan yihiin Masuuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland uuna ka mid yahay siyaasiga isbadbadalka badan Axmed Cabdi Xaabsade oo hada ka tirsan xukuumada Siilaanyo ahna Wasiirka Warfaafinta ee maamulkaasi.
Masuuliyiinta Somaliland ee Gobalka Sool ku sugan ayaa waxay la kulmeen masuuliyiinta Gobalka Sool ee maamulkaasi waxaana RBC Radio ay dad rayid ahi u xaqiijiyeen in masuuliyiintani ay maalinta Barito ah ku qaban doonaan magaalada Laascaanood sanadguuradii maamulkaasi.
Dilalka qorsheysan ee ka dhanka ah Masuuliyiinta Maamulka Somaliland ee Gobalka Sool ayaa soo jiitamayey tan iyo sanadkii 2007 waxaana la diley masuuliyiin kuwaasoo qaraxyo iyo dilal qorsheysan lagu fuliyey masuuliyiinta dhawrkaas sano la bartilmaameedsanayay waaa Maamulka Gobalka, degmada iyo saarkiisha Ciidamada Booliska, Sirdoonka, Milatariga iyo Masuuliyiinta Maxkamadaha, masuul walba oo maamulkaasi u soo magacaabo Gobalka Sool waxaa lasoo darista cabsi maadaama uu liiska hore ka galayo dadka la bartilmaameedsado iyadoo xilalkaasna aysan dadku raadsan cabsi ay ka qabaan hayeeshee uu maamulku soo magacaabo qof aan raadsan.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...