Tuesday 17 May 2011

Labada Shariif oo Maanta Markii ugu Horeysay Wada Quraacday Sheeko Dheerna ku Yeeshay Villa Soomaaliya (Faahfaahin)



 
Muqdisho (RBC) Iyadoo madaxweynaha DKMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo afhayeenka barlamaanka KMG Shariif Xasan Sheekh Aadan aysan kulmin in mudo ah tan iyo intii khilaafkoodu uu xoogeystay, ayaa waxaa maanta markii ugu horeysay labada nin ay wada yeesheenkulan u gaar ah oo ka dhacay madaxtooyada.
Ilo wareedyo ku dhow madaxtooyada ayaa RBC Radio u sheegay in markii ugu horeysay xafiiska madaxweynaha booqasho kedis ah ku yimid Shariif Xasan o beryahan dambe aan gurigiisa soo dhaafi jirin, Waxaana markii uu saaka soo gaaray xafiiska madaxweynaha labada nin ay wada yeesheen kulan gaar ah oo ay qolka hoosta ka soo xirteen.
Waxaa la sheegayaa in dhamaan shaqaalihii xafiiska madaxweynaha lagu wargeliey inaysan soo gelin iyadoo xitaa wasiirada iyo hawlwadeenada qaabilsan qorida shirarka madaxweynaha lagu wargeliyey inay dibada joogaan.
Ka hor kulanka intuusan furmin, ayaa waxay labadooda wada qaateen quraac, waxaana kadib u bilwday wada hadal iyaga u gaar ah kaasoo aan la ogeyn illaa hadda waxa uu ku saabsan yahay.
Waxaa jirta hadal heynfara badan oo ay isla dhexmarayaan ragga sida aadka ah ugu dhow labada nin, iyadoo arinta aadka loola yaabay ay tahay sida kediska ee Shariif Xasan uu ku tegey xafiiska madaxweynaha oo waayadan dambe aan xitaa lagu soo hadal qaadi jirin.Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...