Sunday 15 May 2011

Mukhtaar Roobow oo Sheegay in Osama Bin Ladin uu Yimid Soomaaliya Ka Hor Afghanistan (Faahfaahin)

AFGOOYE (RBC) Mukhtaar Roobow abuu Mansuur oo ka mid ah saraakiisha ugu sareysa Al Shabaab kana mid ah dadka dhifka ah ee la kulmay Osama Bin Ladin ayaa markii ugu horeysay soo bandhigay qeyb ka mid ah dhaqdhaqaaqyadii ururka al-Qaacida ee gudaha Soomaaliya.
Abuu Mansuur ayaa sheegay in Osama Bin Ladin uu yimid Soomaaliya kahor intii uusan tegin Afghanistan, isagoo gudaha Soomaaliya ka abaabulay rag u istaaga sidii Shareecada loogu xukumi lahaa Soomaaliya.
Mukhtaar Roobow oo hadal dheer ka jeediyey shalay xaflad loogu baroordiiqayey geerida Osama Bin Ladin oo ay Shabaabku ku qabteen degmada Afgooye ayaa wuxuu halkaa ka sheegay in Osama uu aad u taageeray Al-Shabaab.
Dawladii Siyaad Barre
Mukhtaar Roobow wuxuu sheegay in raggii ugu horeeyey ee al-Qaacida ka socda ee soo gaara Soomaaliya ay yimaadeen intii ay jirtey dawladii Maxamed Siyaad Barre iyagoo qorshahoodu ahaa inay ka faa’ideystaan hubkii ciidamada Soomaaliya si ay ugu adeegsadaan qabsashada xukunka dalka.
“Sheekhu waxaan xusuustaa in markii ugu horeysay 3 nin uu noo soo direy kuwaasoo kala ahaa Aadam Ceyrow, Abubakar A-Saylici iyo Cumar Dheere, raggaas waxaa hadda ka nool A-Saylici oo kaliya. Ujeedada waxay ahayd in maadaama xilligaasi dawladii Siyaad Barre ay sii dheceysay hubkiina uu dadka gacmaha u gali rabay in markaas mujaahidiinta ay ka faa’ideystaan oo ay hub urursadaan kadibna shareecada dalka kusoo rogaan” ayuu yiri Mukhtar Roobow.
Mukhtar Roobow Abuu Mansuur oo ka gaabsaday inuu sheego ragga qaarkiis kadib markii uu heley inuusan fasax u heysan magacyadooda ayaa shaaca ka qaaday in Osama Bin Ladin intii uu joogay Suudaan uu soo gaarey Soomaaliya kadibna uu abaabulay ciidamo dhalinyaro ah siduu hadalka u dhigay.
Wuxuu sheegay in Osama ay u muuqatay fursad ah in Soomaaliya Qaacida qabsato mar haddii xukunkii Siyaad Barre uu meesha ka baxay isla markaana uusan muuqan cid kale oo xukunka qaban karta, taasina ay ahayd sababtii ugu weyneyd ee Qaacida ay dhaqaale iyo ciidanba ku taageertay Soomaaliya.
Dagaalkii UNISOM 1993
Abuu Mansuur wuxuu kaloo sheegay in dagaalkii dhexmaray jabhadii Gen Ceydiid iyo ciidankii UNISOM ee ka dhacay magaalada Muqdisho 1993 ay qeyb weyn ku lahaayeen al-Qaacida iyo Shabaab. Wuxuuna xusay in diyaaradihii Mareykanka ee lagu soo ridey Muqdisho ay soo rideen rag al-Qaacida ahaa.
“Inkastoo guusha ay Soomaaliyoo idil wada lahayd haddana mujahidiinta waxay ku lahayeen gacan weyn, khaasatan raggii tababarka soo qaatay” ayuu yiri Abuu Mnsuur.
Wuxuu xusay in al-Qaacida ay markaasi u aragtey dagaalka UNISOM inuu yahay jihaad inkastoo Gen. Ceydiid oo kala mabda’ ahaayeen uu dagaalka kula jirey.
Abuu Mansuur iyo kulankii Bin Ladin
Mukhtaar Roobow wuxuu qirtey in isaga ruuxiisa uu la fariistey Osama BinLadin, ayna ku kulmeen magaalada Khandahar ee wadanka Afghanistan xilligaasi oo rag Soomaali ah tababaro lagu siiyey wadanka Aghanistan.
“Sheekha waan is aragnay, wuxuu ahaa nin qadarin badan oo mar walba wuxuu i weydiin jirey xaalka Soomaalida iyo Shabaabka. Wuxuu dhihi jirey Amiirka Mu;miniinta ayaa sidaa yiri …”, ayuu yiri Abuu Mansuur oo dib u xusuustey Osama Bin Ladin.
Wuxuu sheegay in maalmo badan ay wada sheekeysteen Osama ayna kftameen wax badan, isagoo xusay inuu ka wareystay Soomaaliya iyo sida hawlgalka al-Qaacida uga najixi karo.
Ku xigeenka Al-Qaacida iyo Safarkii Soomaaliya
Abu Mansuur wuxuu kaloo sheegay in raggii Soomaaliya yimid uu ka ahaa nin la dhihi jirey Abaa Cubeyda oo 1993 ahaa ku xigeenka al-Qaacida xilligaasi, kaasoo uu soo direy Bin Ladin si uu isugu duba rido hawlgalada iyo tababarada ciidanka ee gudaha Soomaaliya. Wuxuuna carabka ku dhuftey raggii tababarada lasiiyey badankood ay dagaalo ku dhinteen.Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...