Friday 20 May 2011

Nin Aqoonyahan Dibad Joog Soomaali ah oo Gaaloobay kadib markii uu ku jees-jeesay Qur'aanka Alle (Dhagaysi+Akhris).


somalimemo.netMid kamida kuwa sheegta Aqoonyahanada ee ku dhaqan dalka dibaddiisa ayaa ku kacay gaf weyn oo ka dhan ah Kitaabka Qur'aanka Kariimka iyo dadka Muslimiinta ah.

Professor Saciid Sheekh Samatar oo kamid ah Somaliya dalka Maretkanka ku dhaqan ahna Bare Jaamacadeed ayaa ku dhacay Riddo markii uu ku jees jeesay aayada qur'aanka.

Hadaba Shabakadda SomaliMidnimo oo ah shabakad Islaami ah ayaa war cadeynaya falka Riddanimada Professor Saciid Sheekh Samatar qortay wuxuuna u dhacayaa sidan.
WASHINGTON:- Murtad Professor Saciid Sheekh Samatar ayaa galabtay oo Taariikhdu markay ahayd Bishii Shanaad May 19, 2011 si bareer ah ugu jees jeesay Quraanka kariimkaa iyo muslimiinta, Professor Saciid wuxuu ka hadlayey Idaacadda Codka Maraykanka ee marka lasoo gaabiyo la yiraahdo VOA. Professor ku wuxuu ka hadlayey khudbad uu jeediyey Madaxweynaha Maraykanka Brack Obama, khudbda Brack Obama waxay ku wajahnayd dalalka Carabta gaar ahaan bariga dhexe.
Professor Saciid Sheekh Samatar waxaa su’aal weydiiyey inta Barnaamijku socday C/raxmaan Yabarow, Su’aashaan ayaa ahayd, bal sida uu u arko haddalka Brack Obama ee ah dumarka Carbeed in ay helaan xuquuqdooda iyo qayb libaaxa in ay ka qaataan siyaasaada wadamada Carabta?
Professor Saciid Sheekh Samatar, wuxuu ku jawaabay, sida tan.
Anigaad ila hadlaysaa miyaa, C/raxmaan Yabarow Haa Professor, Taas laftigeeda in aan ka qayliyo ayaan doonayaa! xuquuq haween marna ma suurtoobayso  kii Ragga in ay la simanto, inta Gobolo kamida dalalka Islaamka sharciga ay muslimku ku dhaqmaan!. Anigu uma malaynayo in ay imaanayso Dumar xorooba!, sababtu waxaa weeye ma u ugoshahay haddii Nin qaniya dhinto oo Wiil iyo Gabar kadhinto, inaad midkiiba konton siiso xoolihii laga dhintay, Mase rubac iyo waxaas ayaad waddaa iyo Sulusyo (Suluth).
Ma ogoshahay in aad quraanka kabtid, teeda kale Ma ogoshaya in waxaan Ribadda la yiraahdo ama Interest ee Bangiyadu ku shaqeeyaan. Ma ogoshahay in Naagta qaanteeda ama magteeda ay la siman tahay kii Ninka, mase in ay Konton tahay meeshii Ninka qaantiisu ahayd boqol.
Ma ogashay waxyaalaha saas oo kalaa haddii aad Dad Muslimiin tihiin  ma ogoshihiin!?, haddii aysan ogolayn waxaan laga hadlayoNaag xuquuqdeeda hala sameeyo ma suuroobi karayso ayey aniga ila tahay!.
Professor Saciid Sheekh Samatar waa murtad caddaystay laakiin asaga iyo kuwa la midka ah Rag Culimo Sheeganaya ayaa Iimaanka kadabasida.
Horta wuxuu isku qiray in uusan Muslimba markii horre uusan ahayn, sababtoo ah waxaad ka garanaysaan sida uu Muslimiinta uu su’aalaha u weydiinayo, haddii aad muslim tihiin ayuu leeyahay ama Dadka Muslimiinta ah. Gaalnimada uu hadda ku hacay waa mid qasab ay tahay in qof kasta oo Muslim ah uu og yahay in Quraanku yahay hadalka Allah.
Marka murtadnimada aan ku sheegayna dadka Ilaahay Diintiisu ka baxsan ladahay wax iska cayaar ah ma ahan, Qofkii Ilaahay Kitaabkiisa ku jees jeesa, diida in la isku xukumo ama Dastuur samaysta shaki kuma jiro in uu murtad yahay Diinta Ilaahay banaanka ka jooga, wadaadxume haba difaaco oo haddaba ordee.
Ninkaas Aayaadka uu ku jees jeesayo, eeg labada Aayadood ee ugu dambeeya sida kuwa Aayaadka Allah raaca Janada loogu balan qaaday, halka Dadka xuduudda Allah ka gudba oo Allah iyo Rasuulkiisa Scw caasiya Naarta loogu gurayo.Dhageyso

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...