Friday 20 May 2011

Warsaxaafadeed “Dowladdu mas’uul kama ahan duqeyntii arxan darada aheyd ee shalay loo geystay Suuqa Bakaaraha

Warsaxaafadeed
Khamiis, Muqdisho, May 19.2011—– Xukuumada FKMG ah ee Soomaaliyeed waxay aad iyo aad uga xun tahay duqeyntii arxan darrada aheyd ee shalay 18.05.2011 loo geystay suuqa Bakaaraha taasoo dad rayid ah oo aan waxba galabsan ay ku dhinteen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.
Xukuumadda Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa dadkii ku geeriyooday mashaqadaasi waxayna Ilaahay uga baryeysaa inuu jannatul fardawsa ka waraabiyo, ehelladoodiina samir iyo iimaan ka siiyo intii dhaawacantayna deg deg u bogsiiyo.
Dawladda Soomaaliyeed waxay had iyo jeer dadaal xoog leh ugu jirtaa sidii ay nabad waarta ugu soo dabbaali lahayd dalka waxayna aad uga foojigan tahay isla markaasna xil weyn iska saaraysaa ilaalinta nafta iyo hantida shacabka Soomaaliyeed.
Xukuumadu  waxay halkaan ka caddeynaysaa in la xaqiijiyey duqeyntaasi in aanay ka imaanin dhanka dawladda iyo ciidamada Nabad illaalinta AMISOM oo aad uga taxadira dhibaatooyin shacabka loo geysto marka ay howlgallada sameynayaan.
Haddaba, waxaan shaki ku jirin in falkaasi waxashnimada ah ay ka dambeeyaan kooxda nabad diidka ah ee Alshabaab oo iyagu had iyo jeer u taagan argagixinta, xasuuqa, iyo bara kicinta shacabka Soomaaliyeed; iyagoo ujeeddadoodu tahay in ay iska hor keenaan dowladda iyo shacbiga Soomaaliyeed maadaama dowladdu guulo waaweyn ka soo hoysay dagaalka ay kula jirto kooxdaasi.
Haddaba, sida caadada u ah kooxda khawaarijta  Al shabaab marka ay ku jabaan goobaha dagaalka waxay had iyo jeer si sharci darro oo qasab ah dagaalka u soo geliyaan caruur da’yar aan qaangaarin waxayna sidoo kale baneysteen dhaca iyo boobka hantida shacabka Soomaaliyeed.

Garad Salad Hersi
Press Officer office of the Prime Minister
Mobile: +252-615536608
+252-6-2536608
Mogadishu, Somalia

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...