Wednesday 11 May 2011

Nin Soomaali ah oo Wata ‘26 Baasaboor iyo 12 Dhalasho’ oo lagu Xiray Garoonka Diyaaradaha Qaahira

Qahira (RBC) Sirdoonka Wadanka Masar ayaa laga soo xigtay inay garoonka diyaaradaha ee magaalada Qaahira ku xireen nin Soomaali ah oo la sheegay inuu watey 26 baasaboor oo kala duwan iyo magacyo kala nooc ah.
Wargeyska Al-Ahram oo ka baxa magaalada Qaahira ayaa soo qoray in ninka Soomaaliga lagu magacaabo Yuusuf Xasan, da’diisana lagu sheegay illaa 50 jir.
Yuusuf ayaa markii la qabanayey la socday diyaarad ka timid magaalada Casablanca ee wadanka Morocco, wuxuuna doonayey inuu soo galo wadanka Masar.
Wargeyska ayaa sheegay in Yuusuf laga heley 5 baasaboor diplomaasi Soomaali ah, 10 baasaboor Soomaali oo kuwa shaqaalaha ah, 11 baasaboor Soomaali oo kuwa caadiga ah, 12 shahaado dhalasho Soomaali ah oo wata magacyo kala duwan, 19 visa oo wadanka Cuba ah iyo 9 tikeyto diyaaradeed oo kala duwan.
Sirdoonka Masar ee cusub ayaa ninkan qabtay, waxayna hadda su’aalo ku weydiinayaan xarun ay ku leeyihiin Qaahira. Waxaana wargeysku sheegay in ninkan looga shakisan yahay inuu ka tirsan yahay shabakada al-Qaacida.
Wargeyska kale ee Masri-Alyom ayaa sheegay in sida badan lagu yaqaano al-Qaacida adeegsiga dukumintiyo kala gedisan iyo magacyo kala duwan si ay u qariyaan aqoonsiyadooda rasmiga ah.
Waxaana sidoo kale la sheegayaa inay dhici karto in ninkan uu ka mid yahay kooxaha ka shaqeeya tahriibinta dadka iyo daroogada oo iyaguna had iyo jeer qariya aqoonsiyadooda saxda ah.
Hase yeeshee waa markii ugu horeysayo oo la helo nin dhalashadiisu tahay Soomaali oo wata dukumintiyo intaas tiradoodu la eg tahay.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...