“Waxay yiraahdeen Sheekh Fu’aad waa dhintey meydkiisana waan heynaa, waa i kan waa aniga hadlaya ..waa Sheekh Fu’aad Illaahay baa i nooleeyey, markuu i dilaana dhimanayaa, maalintii Illaahay ii yimaado ma dhaafi doono laakiin waxaan u maleynayaa in Ilaahay uusan ajasheeda gelin oo adduunyada ayaan weli ka cunayaa oo ka cabayaa”, ayuu yiri Sheekh Fu’aad Khalaf.
Wuxuu intaa ku daray inay run tahay inuu isaga laftiisa ka qeybgalay dagaaladii ka dhacay Gedo balse ay ka faafiyeen warar been buur ah dad uu ku tilmaamay inay cadaw yihiin. Balse hadda wuxuu sheegay inuu joogo magaalada Muqdisho.“Ummaadan labo cadaw ayey leedahay kuwo waa gaalada oo Amisom iyo waxa la midka ah kuwana waa mushurkiniinta qubuuro caabudka ah”, ayuu hadalkiisa ku daray Sheekh Fu’aad oo hadalkiisa ula jeeday Amisom, DKMG iyo Ahlu Suna oo ay dagaal kula jiraan.
Wuxuu sidoo kale sheegay inuu sii wadi doono dagaalka ka dhanka ah wax ugu yeeray inay horeyso Mareykanka, DKMG Soomaaliya, Amisom iyo Ahlu suna.
Hadalkan maanta ka soo baxay Sheekh Fu’aad Khalaf ayaa soo baxay maalmo ka dib markii Saraakiisha maamulka gobolka Gedo ee DKMG ay shaaciyeen in Fu’aad Khalaf ay ku dileen dagaalkii Isniinta ka dhacay Duleedka Garbahaarey.
Sida warar hoose sheegayaan Fu’aad Khalaf oo dhanka dacwada u qaabilsan Shabaab iyo Mukhtaar Roobow oo ahaa afhayeenkii hore ee Shabaab ayaa lagu arkay iyagoo si toos ah uga qeybgalaya dagaaladii u dambeeyey ee ka dhacay gobolka Gedo.
RBC Radio
No comments:
Post a Comment