Thursday 19 January 2012

Xumaanta Shabaab maxaad awal noogu sheegi weydeen?

Share
Xumaanta Shabaab maxaad awal noogu sheegi weydeen?
Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.comJan 19 2012
Culumada iyo ducaadda jamaacada Ictisaam way dareensanaayeen in qallooc ku jiro fikirka iyo camalka aasaasayaashii kooxda Alshabaab tan iyo xilligii ay bilaabeen ololaha ay ku unkayaan ururkan markii dambe ku hirgalay magaca Xarakatu shabaab, wayna ka digeen fahamka leexsan ee ay xambaarsanyihiin.
SH Axmed Cabdisamad
Sidaas oo ay tahay nina kuma fakareyn in raggaas ay ka suurtowdo qallooca iyo fasaadka ballaaran ee markii dambe summadda u noqday caqiidadooda, hab fakarkooda iyo hab dhaqankoodaba; sidaa darteed culumadu af-labadi ma yeerin ee si cilmi ah ayay uga hadli jireen marinhabowga kooxdaan iyo khatarta ay diinta iyo ummadda ku keeni karto ama ku hayso. Habka ay uga hadlayaan wuxuu ahaa “ maa baalu aqwaamin” iyo caddaynta xaqa ay barbar mareen, hoosna looguma daadagin daah ka feydista wax badan oo ay maro-diimeed huwinayeen.
Dhinaca kale dad badan oo ka mida culumadii iyo waxgaradkii ku sugnaa gobolada koonfureed gaar ahaan Muqdisho ayaa xilligii maxkamadaha ku baraarugay diinxumada kooxdaan iyo hagaardaamada ay diinta iyo ummadda ku hayso laakiin waxay ku soo beegantay xilli dadka xamaas badan hayey, lagana horjeeday cadowyo badan oo isbiirsaday oo ay xilligaas ducaadda iyo dadweynahaba la ahayd inay kooxdaani ka sharyartahay, taas oo keentay inay fursad u helaan inay ummadda daakhilka ka dumiyaan, madaxana isugu wada dhuftaan.
Dhawaan mar culumada iyo rag ducaadda ka mid ah ay ka hadleen xaqiiqada hawsha kooxdaani ummadda ka dhex wado, ayna soo bandhigeen tusaalayaal dadweynuhu ka marag-fureen ayaa aad la isu weydiiyey maxaa awal oo dhan naloo ku sheegi waayey xumaanta iyo khatarta kooxdaan?. Mar aan muxaadaro ka jeediyey Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda magaalada Galdogob oo aan ardayda fikrad ka siiyey kooxdaan ayaa gabari i weydiisey: maxaad awal oo dhan noogu sheegi weydeen?. Waxaan ugu jawaabay anigu kama fakareyn dumarka iyo caamada ayaa raacaya, wiilashase bishii shanaad 2008 ayaan u sheegay in Jihaadkii dhamaaday oo hadda ka dib Soomaalidu is dili doonto, loona baahanyahay in nin walba uu diintiisa la gabbado, waliba waxaan ku iri: waligiin ma gasheen dagaal qabiil, kaalmase ma geysateen, haddase diyaar ma u tihiin inaad ka qaybgashaan?. Waxaan ku iri: ninkii Xamar u aadi lahaa inuu dadka lagu laynayo wax ka laayo dadka meelahaan dagan ha laayo muxuu xamarta fog isugu dhibayaa?. Wiilashiina arrintaas waa iiga maragfureen!.
Waxaa kale oo soo qaadis u baahan in aysan dadku marxaladaha qaarkood u bislayn in la siiyo xogta noocaan oo kale ah; waayo dad badan ayaa u qabey in kooxdaani diinta dan u hayso ama qabillkoodu ku meelgaari doono ama qolo ay u ciilqabaan kaga aarsan doonaan iwm. Laakiin hadda ninkii aan sharkoodu taaban wuxuu arkay ummad kale oo ay luufluufiyeen, wuuna ku qanacsanyahay in aysan cidna khayr u galayn ee ay yihiin DABAQALLOOC (hangarale) ninkii hoosta gashada isaga uun qaniinyada ka bilaabaya.
Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...