Friday 13 May 2016

Gaalkacyo oo khudaar u dhoofisa magaalada Muqdisho


13235816_1334070456609896_43017483_n
Gaalkacyo (RBC Radio) Ganactada iyo beeraleyda khudaarta ee magaalada Gaalkacyo oo xarun u ah gobolka Mudug ayaa billaabay khudaarta ka baxda gobolka ee loo dhoofinayo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho,sida waxaa u sheegay Raxanreeb Safiyo Cali oo ganacsatada ka mid ah.
Horay khudrad laga keeno koonfurta dalka ayaa la keeni jiray deegaannada bariga ku yaalla,lakin hadda beera-leyda gobolka ayaa kor u qaaday beerashadooda,taaso la sheegay inay sabab u noqotay markan iyagu inay wax u dhoofiyaan koonfurta.
Diyaaradaha ka baxa maalin walba magaalada Gaalkacyo ayaa horay u qaada khudaar kala duwan oo loo iib-geeyo magaalada Muqdisho,waxaana ka mid ah khudaarta diyaaradaha lugu safriyo Basbaas iyo Kabsarta.
“Khudaar-tan beeraha magaalada Gaalkacyo ayaa laga soo gura,waxaana u iibgeyna Muqdisho,maalin walba,”sida waxaa u sheegtay Raxanreeb Safiyo Cali oo ganacsatada wax dhoofisa ka mid ah.
Mar an su’aalnay Safiyo sababta ay gudaha magaalada Gaalkacyo khudaarta uga dhoofiyaan looguna gadi waayay,waxay ku jawaabtay ” Lacago ka badan tan gudaha ayaa laga hela markan Muqdisho geyno khudaarta an dhoofineyno,”
Dhinaca kale,ganacsatada iyo beeraleyda koonfurta dalka ayaa iyaguna khudraada u dhoofiya dalalka dibadda iyo kuwa dariska ah,sida ay inoo xajiiyeen ilo madax banaan,taasina waxay u khasabtay ganacsatada inay iyaguna khudaarta ka keenayay magaalada Gaalkacyo iyo deegaannada kale ee dhul beeradka leh.
Wax-garadka iyo aqoon-yahannada ayaa markiiba walaac ka muujiyay khudradda dibadda loo dhoofinayo,taaso la sheegay inay sabab u noqon karto,dalka inay ka yaraato khudradda lugu dhex iibiyo.
“Ganacsatada iyagoo lacago badan firsanaya ayay dibadda wax u dhoofiyaan,lakin waxa laga dhexli karo isma waydiiyaan,waxaan usoo jeedinayaa gudaha dalka inay wax ku iibiyaan,”ayuu yiri Maxamuud Yuusuf oo cilmiga beeraha ka dhiga jaamacadaha Muqdisho.
__
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...