Sunday 15 May 2016

Gudoomiye kuxigeenka labaad ee BSoomaaliya oo garoowe soo gaaray(Sawirro)aarlamaanka



_DSC4994
Garowe-(RBC Radio)-Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Dowladda Federalka Soomaaliya Mahad Cabdale Cawad ayaa caawa soo gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowladda Puntland.
Gudoomiye kuxigeenka ayaa saaka ka soo kicitimay Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka oo uu malmihii u danbeeyey ku sugnaa waxaana uu soo maray Magaalada qardho halkaas oo uu kula soo kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse.
Gudoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdale Cawad ayaa waxaa duleedka bari ee Magaalada Garoowe ku soo dhaweeyey Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cumar Cabdulaahi Faraweyne,xildhibaano iyo wasiiro xukuumada ka tirsan.
_DSC4997
Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cumar Cabdulaahi Faraweyne ayaa soo dhaweeyey gudoomiyaha waxaana uu sheegay in inta uu ku suganyahay Magaalada gudoomiyuh inuu kulamo la qaadanayo qaybaha kala duwan ee Bulshada.
Gudoomiye kuxigeenka labaad ee baarlamaanka Dowladda Federalka Soomaaliya Mahad Cabdale Cawad ayaa ka mahad celiyey soo dhaweynta diiran ee loo sameeyey kamana hadlin u jeedada safarkiisa.
Socdaalka gudoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli uu socoto soo xulitaanka odayaasha aqalka sare ee soomaaliya iyo baarlamaanka Federalka ee kan hada jooga xigidoona.
Hoos Ka Daawo Sawirradda.
_DSC4978 _DSC4979 _DSC4980 _DSC4985 _DSC4986 _DSC4987 _DSC4988 _DSC4989 _DSC4990 _DSC4991 _DSC4993 _DSC4994 _DSC4995 _DSC4996 _DSC4997 _DSC5000 _DSC5001 _DSC5004 _DSC5006 _DSC5008 _DSC5015 _DSC5019 _DSC5021
____

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...