Friday 23 July 2010

Gaalkacyo:Khilaaf soo kala dhexgalay Ehlusuna & Galmudug.

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Waxaa khilaaf xoogani soo kala dhexgalay Mas’uuliyiin sheegtay inay ka tirsanyihiin Culimo owdiinka Ehlusuna Waljameea ee gobolada dhexe & Maamulka xaafada koonfureed ee magaalada Gaalkacyo,khilaafkaas oo kusaabsan gacan ku haynta Amaanka xaafadaas.

Khilaafkan ayaa bilowday kadib markii madaxweynaha Maamul goboleedka Galmudug uu amray in dhamaan ciidamada aanan kamid ahayn kuwa Galmudug ee hubka haysta ay hubka dhigaan islamarkaasna ay ku bireen ciidamadiisa gaarka ah oo uu sheegey in iyaga oo galmudug ah uu xilweyne kasaaranyahay Amaanka maamulkiisa dhamaan deegaanada uu ka taliyo.

Balse Sarkaal katirsan Maamulka Ehlusuna oo dhawaan tababar usoo xiray 200 oo malayshiyaad ah kuwaas oo katirsan kuwa Ehlusuna oo horay gacanta ugu hayey amaanka Xaafadaas ayaa hadalkan gaashaanka u daruuray islamarkaasna sheegeey in uu isagu lawareegi doono guud ahaan Koonfurta Gobolka Mudug,waxaana ay taasi uga sii dartay meel xuna gaarsiisay khilaafyo horey oo awal labada dhinac ka dhexeeyey kuwaas oo aanan cagobadan ku taagnayn.

Arintan ayaa keentay in dagaalo & Israsaaseyn culus ay dhexmaraan labada ciidan ee halkaas kajira,kuwaas oo 3-habeen ee lasoo dhaafay Dagaalo kharaar oo aanan dhiig badani ku daadan ay ku dhexmareen dhowr meelood oo xafaada Koonfurta Gaalkacyo kamid ah kuwaas oo ay labadadhinacba Howlgalo kala duwan ka wadeen.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...