July 16, 2010 - Md. Yuusuf Xasan Ibraahim (Yuusuf Dheeg) Wasiirka Arimaha Dibada ee DKMG oo
Saxaafada Dibada la hadley, ayaa sheegay gobolka Soomaali Galbeed ee ku dhaca Bariga Itoobiya iyo Xuduudka Soomaaliya u dhaxeeya uu ku jiro Gumeysi, Shacabka ku noolna ay yihiin Soomaali xilligan ku hoos nool Gumeysiga Itoobiya.
“Gobolku Juqraafi ahaan waxa uu qeyb ka yahey dhulka Soomaaliya, dadka degan 1977 dagaal ayey Itoobiya la galeen si ay isaga dul qaadaan ugana tashadaan aayahooda. Maamulka Itoobiya nidaam ahaan arinta ah dadku mustaqbalkooda iney ka arinsadaan waa ogal yahey, balse dadka gobolka si gaara arintaa uma ogala” ayuu yiri Dheeg.
Wuxuu intaa ku darey:”Xuduudka Gumeystuhu sameeyay waa mid beena, ma jirto dabeecad is diidan oo gobolka dalka intiisa kale ka goyneysa, waxaa jira xiriiro joogta ah oo dadka gobolku la leeyihiin shacabka Soomaaliyeed intiisa kale wayna sii jirayaan, dhaqaale ahaan Gobolku Soomaaliya inteeda kale ayuu ku xiran yahey kamana go’ayo, balse kama suulin wali inuu ku hoos jiro Gumeysiga Itoobiya”
.Read More
No comments:
Post a Comment