Thursday, 1 July 2010

Siilaanyo oo ku guulaystay doorashadii madaxtooyada Somaliland

SiilaanyoHargeysa, July 01, 2010 (WDN) Golaha Doorashooyinka Somaliland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijadii doorashashadii madaxtinimada ee ka dhacday Somaliland bishii Juun 26keedii. Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka ayaa sheegay in Md. Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) oo ahaa musharixii madaxtinimada ee Xisbiga Kulmiye uu ku guulaystay tartankii doorashada madaxtinimada Somaliland.

Guddoomiyaha Komishanka ayaa hadalkan kaga dhawaaqay xaflad caawa ka dhacday Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Md. Axmed Siilaanyo ayaa waxa uu noqonayaa madaxweynihii labaad ee dadku si toos ah u soo doortaan tan iyo markii ay Somaliland ku dhawaaqday gooni isu taageedda. Md. Saylici ayaa isna waxa uu noqon doonaa madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyadoo labadan mas'uul ay xilka hayn doonaan 5 sano ee soo socota.
Sii Akhri 

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...