Saturday 14 May 2011

Dhacdo la yaab leh oo aan Weligeed la Arag Oo Caasimada Soomaaliya ka dhacday!!!

Dhamaan ammaan oo dhan waxay u sugnaatay allaah (swt) ee nagu manaystay nimcooyin badan oo aan xisaab lahayn iyo rasuulkiisii suubaanaa Muxamed (csw). Intaa kadib waxaan salaamayaa guud ahaan Muslimiinta, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed.

Dhacdo ugub ah oo ka dhacday dalka soomaaliya Magaalada muqdisho ka dib markii Shirkad Mareykanka ah oo la yiraahdo Bancroft maalmahii la soo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ku soo bandhigtay Eeyo iyo Sarkaal oo ay u soo tababartay Dowladda KMG, kuwaasoo ku taqasusay habka baaritaanada ee looga hortago waxyaabaha qarxa.13-ruux oo loo tababaray arrimaha amaanka iyo ka hortagida waxyaabaha qarxa, kuwaasoo uu sheegay inay ka soo hareen kooxihii loo tababaray,oo 11 ka mid ah ay ku guuldareysteen tababarka la siiyay.

ka dib waxaa dhacday labadii Eeyo in laaysku qabsaday xagga tababarka ciddii la siin lahaa oo xaalada meel halis ah aay gaartay markii tababarka raga la siinaayo ay qabiil walba iyo maamul goboleedyada ka dhisan dalka ay keensadeen rag loo tababaro booskaas in cid kale laga siin oo waxaayba gaartay garabeeshan ama eexasho in labada Eey cidii hayn lahaayd iyo labada boos ciddii ku soo baxaysa.

inkastoo hada ay beelo badan ay leeyihiin anagaa booskaas waa nalaga dhacay oo waan Dulman nahay hadaba waxaa la yaab leh in ilaa iyo hadda dacwada labada Eey ay socoto nux nux deeda farahana aay ka bixi rabto oo raggii qaaylinaayay oo lahaa labada boos waa nalaga dhacay oo waan dulman nahay hadda waxaa lagu aamusiyay oo loo balan qaaday in wax yar ka dib inaay sugaan markii Sarkiisha Shirkada ay ka dhawaajisay inaay soo wadaan Eeyo kale markaa ayay xaalada xoogaa ay Degtay.

Hadaba soomaalida oo lagu yaqiinay kursi jacaayl iyo xukun jacayl hadda arintooda waxaay maraysaa meshii ugu xumaayd oo waxaa laysu haaystaa Eeyo ciddii haayn lahaayd iyo qabillka helay boosaskaas ay shirkada ka banaan waagii hore markaan soomaaliya joognay Eeyaha inaay ku taabtaan ama aay kuu soo dhawaadaan waxaay la mid ahaayd adoo nafta kaa baxday sababtoo ah soomaaliya waa dad boqolkiiba boqol muslin.

hadaba Sarkaalka oo mar la weydiiyay qaabka eeyaha ay ku howl galayaan, maadaama Diinta Islaamka aanay raali ka aheyn in qof Islaam ah uu jirkiisa taabto Eey,ayuu sheegay in Garoomada ku yaal dalalka islaamka ay intooda badan ka howl galaan Eeyo, isagoo cadeeyay in eeyaha ay ku howl geli doonaan sida Soomaalida xeerkooda waafaqsan Ugu dambayn, waxaannu Ilaahay Ka baryeynaa inuu innaga dhawro fitnada iyo dhibaatooyinka kala duwan,.

WABILAAHI TOWFIIQ
w/Qoray
CABSIYE MAXAMED C/LLE
saxafadacom@hotmail.com
XIGASHO.SAXAFADA.COM








Hoyga wararka Somaliyeed
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com
jowharcom@gmail.com

1 comment:

kaahin100 said...

ey diinteena taabashadiisa waxeey ina dhahday haduu ku taabto ey todobo mar iska dhaq meeshu kaa tabtey marka anagaa wadankeena duleeney wax eed ah anaagaa leh sidaan unahay somaliya

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...