Saturday, 14 May 2011

Xasuuq Dhagaxbuur ka-dhacay (21-Dhimasho iyo 35-Qafaalasho ah)(Akhriso magacyada Cadowga Itoobiyaanka xasuuqeen)


PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Saturday, 14 May 2011 12:30

 Wararka naga soo gaadhaya magaalooyinka Jigjiga  ayaa xaqiijinaya in sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay ay ciidamada militrariga ee Ethiopia iyo kuwa Liyuu Booliska oo la socda ayaa Xasuuq iyo qafaalasho ka fulaiiy  tuulooyin hoos yimaada magaalada Dhagaxbuur ee ka tirsan Gobolka Jerar.

Ugu yaraan afar tuulo oo katirsan gobolka Dhagaxbuur ayaa la xaqiijinayaa in lagu laayay tiro ka badan 20 oo isugu jira rag haween iyo dhallaan iyadoo dhanka kalena ay garab socotay qafaalashada dadka oo ay ka samaynayeen meel kasta oo ay wax ku laayaan.

Tuulooyinkaas dadka lagu xasuuqay ayaa kala ah Bohololeey, Qurqura, Dhagso iyo Dixdheer oo dhamaantood ka tirsan gobolka Jerar, meelaha dilkani ka dhacay ayaa la sheegayaa in ayna markaas ka ag dhawayn Jabhada ONLF.

Warar aanaan wali xaqiijinin ayaa sheegaya in dadka lala tagay la geeyay xerada Kifla-Doorka oo ah mida ugu wayn xeryaha ciidanka militariga ee Ethiopia ku leeyahay magaalada dhagaxbuur.


Shabakada Shacabkamedia ayaa heshay mgacyada qaar ka mid ah dadkii xasuuqa loo geystay waxaana ka mid ah:

1. Abdisamad Omar Faalug
2. Deeq Yusuf Ismaciil
3. Arab Haadir Haji Oumar
4. C/laahi Haadir Haji Oumar
5. Du'aale Bashiir Dhaqoole
6. Huseen Maxamed Aar
7. Axmed Abdi-wahaab
8. Abdifatah Ow-ahmed
9. Mu'mina Ow-ahmed
10. Ina Abdulaahi Shaafi
waxaa kale oon ilaa hadda na-soogaadhin magacyadoodii 11 qof oo kale

Dadka nolosha lagu kaxeystay  een ilaahatan laheeynin waxaa  kamid ah.
1. Ali Hasan Mahdi
2. Ikhyaar Hasan Mahdi
3. Sahane Omar lacag
4. Ina Maxamed Okaar
5. iyo laba nin oo layidhaado ilma Omar Siyaad Ibraahin.
Wararka ayaa intaa ku daraya in dadkii ku hadhay tuulooyinkaas la xasuuqay ay ka qaxeen oo u carareen meelo aad uga fog goobta xasuuqu ka dhacay. Sidoo kale tiro rag ah oo ka badbaaday xasuuqa ayaa lagusoo waramayaa inay u tageen ciidanka Jabhada ONLF.
Xasuuqyo badan oo kuwan oo kale ah ayaa marar badan ka dhaca meelaha fog-fog ee wadanka Ogaadeenya iyadoo ay adagtahay in saxaafada caalamku ay ka war hesho, halka ay webabka wax ka qora wadankuna ay qaarkood qariyaan xasuuqa ama ka sheekeeyaan horumar iyagoo dano gaar ah ka leh.
Wixii warar ah ee kasoo kordha Xasuuqan dib ayaan idinkugu  soo gudbin doonaa hadii alle idmo

Shacabkamedia:Runta-Kama-Xishoono

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...