Saturday 14 May 2011

* Home * Warka * Cayaraha * Maqaallo * Heeso * Dhacdooyin * Qormada * Nala Xariir Jilaa Kalshaale News Muuqaal Nomad Lyrics Ogadentoday.com Puntlandnews24 Puntlandpost.com Qarandoon.com Saafi Films Shaafiye.com 72-saacadood waa inuu Dubai uga baxaa:(Weligaa Ma Maqashay Safiir uu Tarxiilayo Qunsulkii isaga hoos-imaanayey)(Qiso ka-taagan Dubai)

ritten by Administrator   
Saturday, 14 May 2011 12:41

Soomaalida ayaa ku maah-maahda (Aduunyo nin joogoow maxaa aragti kuu-laaaban)waxaaa arin la yaab leh iyo filanwaa nagu noqotay hadii aan nahay Jaaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Dubai,kadib markii amar ka soo baxay Qunsulka Shariif-Sakiin u fadhiya Magaalada Dubai C/aadir Shiikheey uu amar ku-bixiyay in Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Dalka Imaaraadka Ambassador Axmed Maxamed Cigaal oo loo yaqaan(Kasii-Gaab) inuu boorsooyinkiisa laa-laabto 72-saacadood gudaheedna isagana huleelo Magaalada Abu-Dubai ee caasimadda Imaraadka.

Safiir uu amar-siinayo Qunsulkii isaga hoos imaanayay,ayaa arin filanwaa iyo mucjiso ku noqotay Diplomaasiyiinta Soomaaliyeed iyo dhamaan Soomaalidii maqashay handadaada iyo hanjabaada loo geystay Ambassador Kasii-Gaab,inkastoo hadii uusan ahaan-laheyn Shaqsi aad u liito uusan aqbali laheyn amarka ka soo baxay Diplomaasi darajadiisa hooseyso

Dhacdadan ayaa waxaa hadda soo fara-geliyay Wasiirka arimaha dibadda ee Soomaaliya  Mudane Oomaar oo maalmahan deganaa (Hotel-Shangri-la)oo ku yaal bartamaha Dubai,wuxuuna la saftay Qunsulka awooda badan ee Magaalada Dubai Baarqabka ka-ah Mr C/qaadir Shiikeey oo isagu awood buuxda ka heysta Seedigiis Shariif-Sakiin(Gudoomiyaha-Baarlamaanka) oo xilka Qunsulnimada u magacaabay si lacagaha Dawladda Soomaaliya laga dhaco loogu soo xawilo Akoontiga uu Qunsulkka ku leeyahay  (Dubai Islamic Bank)

Safiirkii la bahdilay Ambassador Axmed Maxamed Cigaal (Kasii-Gaab)ayaa isku-dayey inuu Wasiirka arimaha dibadda Mr Oomaar ka dhaa-dhiciyo inuu kala hadlo Qunsulka awooda-badan C/Qaadir Shiikheey in la dhex-dhexaadiyo shaqadii Safiirnimadana uu halkiisa ka sii-wato,balse waxaa loogu jawaabay inuu qaato amarka Qunsulka,maadaama uu ninkani awood-buuxda ka heysto Seedigiis Shariif-Sakiin.

Soomaalida ku dhaqan Dalka Imaaraadka ayaa kula taliyay Ambassador (Kasii-Gaab) inuu ku adekeysto inuu xilkiisa qaab bahdilaad ah ooga tegin kana dhaga-adeego amarka ka soo baxay Qunsulka awooda badan ee C/qaadir Shiikheey,balse wuxuu ka cudur-daartay inuu isku dhajiyo xilka Safiirnimadda,maadaama Wasiirkii Arimaha dibadda uu af-buuxda oogu sheegay (Af-wax-cunay Xishoo)oo micnaheedu yahay in Wasiirkii uu dacwada u gudbin-lahaa gacanta uu ku hayo Masruufkiisa iyo shaxaadkiisa, Qunsulka awooda badan ee daaha gadaashiisa uu ka maamulayo Seedigiis Shariif-Sakiin oo ku fadhiya Kursiga Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Soomaaliya

Dhinaca kale Soomaalida ku dhaqan Dalka imaaraadka ayaa isku raacday inuu Safiirka laftigiisa is bahdilayo maadaama hadii uu dacwad ku furo Qusulka isaga tarxiilayo uu awoodi karo inuu xilkiisa si sharci ah ku joogo,laakiin waxaa la isku raacay inuu yahay Shaqsi daciif ah oo ishiisa laga arkay inuu yahay nin jilicsan oo aad u liita

Wixii ku soo kordho dhacdadan la yaabka leh ee ka taagan Magaalada Dubai isha-ku-haay Webka aan Runta ka-xishoon ee Shacabkamedia

Shacabkamedia:Runta-Kama-Xishoono

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...